#Ashabaab Oo Saaka Dad Shicib Ah Ku xasuuqday Isgoyska Ceelgaabta
Muqdisho,September 25,2021(Haatufonline)-Ururka Alshabaab ayaa maanta dad shicib ah oon waxba galabsan ku xusuqay qarax ay la beegsadeen kantarool ku yaala isgoyska Ceelgaabta, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaadhay dadki goobta qaraxu ka dhacay ku sugnaa.
Weerarkan oo ay Alshabaab u adeegsadeen Ismidaamiye watay baabuur ay ku xidhanaayeen walxaha qarxa ayaa sida ilaa hadda la xaqiijiyey waxa ku dhintay 7 qof oo shicib ah iyo hal askari Taraafig halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 9 qof oo shicib ahi.Dadka ku nafwaayey qaraxan ayaa waxa ka mid ahaa hooy iyo labo caruurteedii ahaa oo ay soo talaalaysay iyo Hibaaq Abuukar Xasan oo xafiiska raiisalwasaare Rooble u qaabilsanayd arimaha samofalka iyo daryeelka dumarka.
Alshabaab war ay kasoo saareen hawlgalkan bahalnimada ah ee ay fuliyeen waxay ku sheegeen in qaraxa ay la beegsadeen saraakiil ciidamada ka tirsan oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.Hasayeeshee waxa sheegashada Alshabaab beeninaya xaqiiqada ah in dhamaan dadki ku geeriyooday iyo kuwi ku dhaawacmay qaraxaasi aanay ku jirin wax saraakiil ah oo ka tirsan ciidamada dawadda hadii aanay Alshabaab dadka sarkaal ciidan uga dhigayn askarigi Taraafiga ahaa ee ku dhintay.