Ashcariyadu Waa Ayo?
Mudo hore oo fog ayaan ku arkay boodh ku yaal masjidka Cali Mataan, waraaq ku dhajisan oo is waydiin layaab lihi ku taal oo leh “Ashaaciradu ma Ehlu-Sunaa?” Muxaadaro ayayahayd masaajidda mid lagu qabanyay. Su’aashaasina waxaad moodaa in ay tahay mid ku badan dhalinta Ehlu-diinka ah gudohooda muddooyinkan dambe.
Mudooyinkan danbe erayada “Ashaaciro, timo weyn, suufiyo” oo koox lagu sheego oo soo noqnoqday, ayaan isku dayi in aan qoaraalkan waxoogaa ka idhaa. Waxan se si gaara ugu tilmaami doonaa erayga “ashaaciro” oo mudooyinkan dambe muran la galiyo oo aad moodo in dad badani aqoon fog aanay u lahayn ama u arkaan koox lunsan. Aniga oo og in dhibaatooyin badani muslimiinta waqtigan adag u yaalaan, oo ay tahay inaynaan is dultaagin, kana hadal muranada hoose (sida kan oo kale), loona baahanyahay inaynu xoojino wada noolaanshaha, ogolaanshaha fahamka keena ka duwan, iyo in laga guuro aniga iyo imaamkayga uunbaa saxa (hagaagsan) cida iga faham duwanina marna sax ma noqon karto, iyo ta ka sii daran ee maanta muslimiinta haysata oo ah “Haddii aad sidayda wax u fahmi waydo,waa in lagu dilo.” Caalim wayn oo culamada muslimiinta ka mid ah ( sh Maxamuud Shaltuut) baa hadal qiimo leh oo uu yidhi ku tilmaamay in culumada qaar adeegsadaan ereyga waxaasi waa ijmaac ( waa lagu kulansanyahay) iyaga oo og in arinkaa aragtiyo kalana ay jiraan. Iyada oo ujeedadu tahay in caalimka ka aragtida duwan loo galiyo bulsha waynta (haduu arinkaa khilaafo) in sheekhaasi wadadii muslimiinta iyo kitaabkii iyo sunihii ka leexday. Imaamku waxa uu hadalkiisa ku gabagabeeyey taasi waa ta keentay in culuma badani arima badan oo muran ka taaganyhay inay ra’yigooda ka dhiibtaan ay ka gaabsadaan, si ay sumcadooda diimeed u ilaashadaan taasi oo aqoontii iyo cilmi baadhistii joojisay caqabadna ku noqotay, umadiina waxtar badan oo xaga waxqabadka iyo xaga cilmigaba ka baajisay iskana hortaagtay).
Waxa aan anigu odhanlahaa (waa qoraaga hadalkan eh) waa dhib uu dareemayo qof kasta oo ilaahay aqaoon iyo caqlisiiiyay, taarikhda dheer ee muslimiinta culumada waawayn ee muslimiinta iyo caalam waynuhu ku faano mid aan la dhibin ama la gaalayn ama la dilin ama la cadibin waa uu yaryahay. Umad aqoonyahnkeedu sidaa u dhibanyahayna sida ay hore ugu socotaa waa ay adagtahay.Bal waxa aan is dul taagi erayadaa. Mid ayaan se imika qalinka u qaatay. Horta timahaweyn, rasuulkii iyo asxaabtii ayaa lahaa ee akhriya taariikhda .Suufiyadana malaha waxa aad u taqaan qolo caan ku ah durbaan iyo xadrayn. Suufiyadu waxa ay ahayd Suhdi, xalaal la quuto,cibaado iyo aakhiro raadis. Waxana ku sifaysnaa culimadeenii cuslaa oo dhan. Xiliyo badana amaan ayuu eraygaasi ahaa (eeg Imaam Cabdilqahir Al-Baqdaadi Alshaafici kitaabkiisa uu kooxaha kaga hadlo, marka uu sheegayo qaybaha Ehlu-Sunaha sida weyn ee uu u amaano Suufiyada).
Waxase aan is dultaagayaa erayga Ashaaciro, anoo hadaladan ka soo xiganaya caalim weyn oo Suni ah oo Shaafici ah. Waxa aan xasuustaa mudo hore, oo laga joogo ilaa shan iyo labaatan sano aniga oo jooga dalka Sucuudiga, ayaan magaalada Riyaad booqday magtabad ku taal oo la yidhaa ‘Jariir’. Aniga oo kutubta eeg-eegaya ayaan ku arkay kitaab ka hadlaya caqiidada, kitaabkii ayaan rog-rogay, waxa ku qoran eray aan dhab ahaan aad uga xumaaday oo ninka qoray kitaabkaasi uu ku sifeeyay Aimadii waaweynaa (culimadiiwaaweynaa) ee Ehlu-Sunaha ahaa, oo ay ka mid yihiin Imaam Nawiwi, Imaam Ibnu-Xajar, iyo qaar badan oo kale, in arinka uu ka hadlayay “baadi” ay kaga suganyihiin xaga aragtidisa. Eraygaa “baadi” ayaa ii qaban waayay culimadii Ehlu-Sunaha ugu cuslaa, ee caalamul islaami oodhan indhaha u ahaa, waxaan is waydiiyay tolow haday kuwaasi caqiidada fahmi waayeen, yaa fahmi? Mise caqiidada Ibnu Xajar, Nawiwi, Suyuudi, iyo culimadii waaweynayd oo dhami fahmi waayeen ayay fahmeen Sheekh Maxamad Cabdil Wahaab iyo ardaydiisu? .Waa su’aal daalisay umada Ehlu-Sunaha maanta (waa su’aal uu is waydiiyay caalim muslim ah oo maanta nooli). Markaas ayaan eegay magaca qofka qoray kitaabka, waa qof aan caalamka islaamka cidiba ka garanayn. Tani waa mid ka mid ah dhibaha muslimiinta xaga fahanka ka haysata.Midna kolayba waa aan xusi lahaa ay ka qayliyeen culimadii Ashaaciradu,waa culimadii. dalka ee soo jireenka ahaa. Waxa weeye: yaan ubadkeena loo dhigin “tawxiidka saddexda loo qaybiyo” oo sida la ogyahay aan raasuulkii suubanaa, asxabtiisii, salafkii umada midna aan lag ahayn. Tawxiidka saddexda loo qaybiyo oo uu tiirarka u taagay imaamka Ibnu-Taymiye, haddii laga tagi waayo, waxa yara tilmaamay oo ka horeeyay imaam Xanbali ah oo la yidhaa Ibnu-Bada, tawxiidkaa oo ay fidiyeen Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahaab iyo ardaydiisii.Tawxiidkaa markii culimada wax dhugataa baadheen, waxa ay ku soo ururiyeen in ujeedadiisu tahay arimahan khatarta ah:
1. “Tawxiidka uluuhyida” waxa looga jeedaa in la gaaleeyo Suufiyada oo la yidhaa cid aan ilaahay ahayn ayay caabudaan, ama ilaahay ayay cid la caabudaan (waa mushrikiin).
2. Tawxiidka “Asmaa wa-sifaadka” waxa looga jeedaa in la baadiyeeyo oo Ehlu-Sunaha laga saaro dhamaan culimadii Ashaacirada.Inaka oo og in kun sanadood muslimiinta ah Ehlu-Sunuhu ay ashaaciro ahaayeen, taasi waa ta maanta dhalisay in Ehlu-Sunihii nac iyo colaad horlihi dhexmarto, oo dhiiga muslimiinta la banaysto. Markaa aniga oo la qaba culimadaa waxaan leeyahay kutubtaa yaan ubadkeena lagu barbaarin, oo yaan loo dhigin. Aan u imaado hadalkan qiimaha leh ee aan ka soo turjumay kitaabka hadlaya Ehlu-Sunaha Ashaacirada.Professor Dr. Maxamed Xasan Hiito, oo ah caalim weyn oo Ashcari ah (Sheekhani waa Sheekhweyn oo shaafici ah) ayaa sidan yidhi“intii aan noloshayda jidka aqoonta hayay, su’aashii iigu yaabka badnayd waxa ay ahayd:Ashaacirada ma lagu dari karaa Ehlu-Suna wal Jamaaca?” Sida su’aasha loo dhigay ayaa aan in badan is dul taagay, maxaa yeelay waa su’aal ka madhan micne cilmiyeed oo sax ah. Taasi oo tusaysa in uu maan gaab yahay qofka su’aasha keenay, aqoona aanu u lahayn taariikhda umadan iyo caqiidadeeda. Maxaa yeelay waxa uu ogyahay qof kasta oo cilmiga uriyay in ay Ashaaciradu tahay cida Ehlu-Sunaha ah.Haddii erayga Ehlu-Sunaha si guud loo sheegana, kutubta cilimiga noocyadooda kala duwan, cida loo jeedaa ay tahay Ashaacirada. Waana iyaga (Ashaacirada) kuwa muranadu ay dhex mareen kooxda (muctasilada) ama kooxaha kale ee caqiidada. Ashaaciraduna waa kooxdiiis is-hor taagtay ee burisay hadaladii muctasilada iyo manhajkoodii (sida xataa imaamkaIbnu-Taymiyo qirayo). Imaamka Abul-Xasan Al-Ashcarina kumuu soo kordhin islaamka mad-hab cusub oo caqiida ah oo khilaafsan mad-habkii umadan salafkeedii (dadkii hore ee hormoodka ahaa), waxase Ilaah ku hanuuniyay mad-habka Ehlu-Sunaha, kadib markii uu afartan sanadood oo noloshiisa ka mid ah ku qaatay mad-habta muctasilada, ee uu ogaaday xaqiiqada mad-habkooda iyo qaababka ay u doodaan. Waxana uu ku guulaystay in uu radiyo manhajka muctasilada buriyana mad-madowgii ay kiciyeen. Ehlu-Sunuhuna (habkaa) imaamka waxa ay ka heleen baadidii ay inta badan raadcaynayeen (xaga dooda iyo difaaca ehlusunaha) waana ay raaceen, waxaana ay qaateen habkiisaasi awooda u yeeshay inay ka awood bataan cidii uu muranku ka dhexeeyay, waxana uu noqday difaac adag oo sugay mad-habtoodii.
Caqiidada imaamka Abul-Xasan Al-Ashcari uu raacay waa caqiidadii Axmad-Bin-Xambal, Shaafici, Maalik, Abu-Xaniifa, iyo asxaabtiisii. Waana caqiidadii salafkii suubanaa, sida ay qoreen Aimada (culimada waaweyn) ee qaatay caqiidadani, dhamaan casriyadii tagay. Sidaa darteed su’aasha saxda ihi waxa ay ahayd in su’aashu noqoto: yaa Ashaacirada weheliya oo iyana soo galaya Ahlu-Suna-Wal-Jamaaca (maxaa yeelay waa la hubaa in ashaaciradu iyagu yihiin kuwii magaca Ehlu-Sunaha lahaa). Jawaabtuna waxa ay noqonaysaa : waxa soo raacaya cid kasta oo qaada wadadooda, arimaha qaar haba lagu yara kala duwaanaado eh. Waxa halkan soo galaya maatuuriidiyada oo ah Ahlu-Sune, waxa soo galaya culumada Asarka raaca ee Ehlu-Sunaha ah, hase ahaatee cida muuqata Ehlu-Sunaha ee ku xusan kutubta culimadu waxa weeye (Ashaacirada) .Sidaa darteed haddii ereyga Ehlu-Suna si guud loo sheego,inta badan Ashaaciro uun baa loo jeedaa. Maxaa yeelay xooga Ehlu-Sunuhu waa iyaga:
● Mad-habka Maalikiyadu dhamaan waa Ashaaciro.
● Mad-habka Shaaficiyadu dhamaan waa Ashaaciro.
● Mad-habka Xanafiyadu dhamaan waa ashaaciro ama Matuuridiyo, murana kama jiro.
● Tira badan oo Aimada (culimada) Xanaabilada ee horena waa Ashaaciro.Arinakaasi waa si guud ahaaneed. Haddii se aan waxoogaa sii bal-balaadhiyo, culimadii waaweynayd ee umada Nebi Maxamed (SCW) magaca weyn ku lahayd waa Ashaaciro: sida Al-Baaqilani, Al-Qushayri, Abi-Isxaaq A-Shiraasi, Abil-Wafaa-Bin-Caqiil Al-Xanbali,Abi-Muxamad Al-Juwayni, iyo inankiisii Abil-Macaali, Imaamul-Xaramayn, Xujatul-IslamAl-Qasaali, Al-Qaadi Abibakar Ibnal-Carabi, Al-Fakhru-Raasi, Ibnu-Casaakir, Al-cis IbnuCabdisalaam, Ilma Al-Asiir, Al-Raafici, Al-Nawawi, Al-Subki, iyo culimadii uu dhalay,Al-Musi, Al-Ciraaqi, labadii imaam ee Ibnu-Xajar (Casqalaani iyo Haytami), Imaam Suyuudi,iyo tiro aan tiro iyo xusuus iyo qoraal koobi karayn oo culimo waaweyn ah. Haddii hadaba kuwaa aynu sheegnay dhamaantood, iyo tiro badan oo kale oo laalaaban oo aynaan xusini aanay ahayn Ehlu-Sune bal noo sheega oo waa ayo Ahlu-Sunuhu taariikhda Islaamka? Professor Dr.Maxamed Xasan Hiito.
Diktoor Wahba Al-Suxayli ayaa isna hadal dheer ka dib waano u soo jeediyay (qolooyinkan maanta muslimiinta ku dhex dhacay) waxana uu hadalkiisa ku gabagabeeyay: aad baynu ugu baahanahay, waliba waxa aad uugu haboon kooxda maanta gaalaysa ama baadiyaysa maslimiintaka soo hadhay iyaga (dhamaan) inay arinkaa dib-iskaga taagaan kana gaabsadaan si aanay iyagu gaalnimada ay musliimiinta ku ganayaan iyaga ugu dhicin (iyagu u gaaloobin, maxaa yeelay sida nabigeenu (SCW) inoo sheegay qofka muslimiinta gaalaysiiyaa isaga ayaa gaaloobaya).Waxa aan hadaladaa culimada ku dari lahaa, caqiidada ashaacirada in ka badan 90% muslimiintaayaa mudo kun sano kor u dhaaftay ku dhaqmayay waxana ay kulmisay “nusuustii amakitaabka iyo sunaha” iyo caqligii, waxana ay la soo falgashay oo xambaarsantahay ilbaxnimadii muslimiinta mudadaa dheer ee 14ka qarni ah, waana mad-hab ku guulaystay doodaha gudaha iyo doodaha muslimiinta dibada kaga imanaya ,kana fog qalafsanaan, adadayg iyo gaalaysiinta muslimiinta. Waa mad-habkii culimadii geeskan Afrika diinta inoogu keeneen oo abaal weyn iyo duco joogta ah inaga mudan, iyaga iyo waalidiinteeniiba .Markaa aynu ka fogaano baadiyaynta iyo gaalaynta muslimiinta inaga aragtida duwan. Ilaah iyagana ha u wada naxariisto inana ha inoo naxariisto dariiqa xaqana ha ina waafajiyo hana inagu sugo eh.Midna waan odhan lahaa oo dooda adag ee dhextaal ashaacirada (culimadii hore) iyo kooxda raacsan Ibnu-Tamiye iyo Sheekh Maxamad Cabdilwahaab maaha dood soo afjarmaysa ee edeb,is ixtiraam iyo in la ogolaado sunaha nolosha ee ilaah dhigay ee kala duwanida fahamka iyofikirka aynu ku wada noolaano ( tan oo aan hubo inayna qoladaasi marna ku qancayn. Waayuhuse u run sheegi doonaan sida sheekh wayn oo waaya arag ihi sheegay alle ha naxariiste eh). Waxa aan hadalka ku soo gabagabayn lahaa, taariikhdu waxa ay xustay in Sh. Maxamed Cabdilwahaab iyo ciidamadii fikirkiisa aaminsanaa ay musliminta iyaga aan ahayn gaalo u arkayeen, dagaal balaadhana ku qaadeen goobo badan oo jasiirada carabta ka mid ah, Ciraaq,Shaam, Madiina Al-Munwara, Daa’if iyo goobo kale oo ay dileen kumanaan muslimiin ah,haweenkooda iyo ubadkoodana qafaasheen, xoolohoodii u arkayeen qaniimo oo ay qaybsadeen.Waxa la hayaa qoraaladii ay reer Makka ( oo afartii mad-hab ee ahlusunuhu daganaayeen) u direen oo ay ku salaamayaan salaanta gaalada lagu salaamo. Qolooyinka raacsan Sh. MaxamedCabdilwahaab waxa sugan inay cida ka soo horjeeda ay dhiigooda banaysteen oo xataa masjidkaku dileen sida uu sheegay qoraagii taariikhyahanka ahaa, ee la jiray Sheekh Maxamed Bin-Cabdilwahaab, waa Xuseen-Bin-Qanaam eh taariikhda Najad (boga 97), qoraaladii Sheekh Maxamed-Bin-Cabdilwahaab, waxa uu leeyahay Sh. Maxamed-Bin-Cabdilwahaab: Cismaan Bin-Mucamar oo ahaa xaakim (gudoomiyaha) dhulka Cuyayna, waa mushrik gaal ah, markii ay muslimiintii arinkaa hubiyeen (waa iyaga eh) waxa ay ku balameen in la dilo, markii uu dhamaystay salaadii jimcaha. Waxaana aanu dilnay isaga oo ku sugan goobtii uu ku tukanayayee masaajidka bishii Rajab (sanadkii 1163 Hijriga). Waa qoraaladii Sheekh MaxamedBin-Cabdilwahaab. Mad-habkaasi maaha mad-hab ina dhaqaya, ma aha mad-hab ay tahay in ubadkeena lagu barbaariyo. Waa mad-hab maanta muslimiintu ay hayaan midhihii uu dhalay oo la maarayn kari la’ yahay. Sheekhaas alla ha u naxariisto eh, manhajkiisaasi ma aha mid umad muslim ah dhaqaya. Cidii u baahataa taariikhdii oo qoran ayay helaysaa.Kitaab uu qoray Sh. Maxamad Cabdilwahaab oo ka waramaya taariikhda rasuulka (scw)oo kooban, oo ay daabacday wasaaarada arimaha diinta ee Sucuudigu (sanadkii 1418 Hijriga),hordhacna u samaysay jaamacada Imaam Maxamad Bin-Sucuud, waxa hordhaca kitaabka ku yimid hadaladan:( kitaabkan imaamka Sheekhul Islaam Maxamad Bin Cabdilwahaab uu qoray waa mid ka mid ah kuwa u mudan ee arinkan laga qoray. Waxana uu cadeeyay Alla ha unaxariisto eh xaqiiqada tawxiidka, ilaahay Nebi Maxamad u soo dhiibay (scw), iyo in aanu ahayn ereyada ashahaadada oo lagu dhawaaqo oo keliya (islaamku) ee ay dhici karto in qofku yahay gaal dhiigiisu banaan yahay isaga oo ku dhawaaqaya kalmada tawxiidka (ashahaadada).Taabiciintiina wax wanaagsan ayay u arkeen dilkii Al-Jacad Bin Dirham markii uu dafiray sifooyinka ilaahay, isaga oo ku dhawaaqaya ashahaadada, kuna caan baxay cilmi iyo cibaado,sidoo kale culumadu waxa ay isku raaceen in la gaaleeyo Cubaydiyiintii markii uu ka muuqday wax tusaya shirkigooda iyo munaafaqnimadooda, iyadoo waliba ay muujisanayeen sharciyadii islaamka oo ay oogayaan salaadaha jimcaha iyo jamaacada). Hadalada caynkaas ihi waxa ay si toos ah iyo si dadbanba u raadaynayaan ubadka loo dhigayo. Marka jaamacadii ubadka barbaarinaysay hadaladaa ku qorayso kutubta ay qaybinayso, ardayda soo baxaysaa waxa cad inayna culays badan u samaynayn ku dhawaaqida ashahaadadu haddii cidaasi aanay la aragti ahayn iyaga. Alleh ha ina badbaadiyo if iyo aakhiro ba.Hadaladani waa dhibic aan ka soo qaaday badwayn kutub ah oo ubadkeena lagu anqariyo oo ubaahan in culumada caqliga badan, aqoonyahanka iyo bahwaynta waxbarashadu inay dhugtaan ,iyaga oo muslimiinta guud ahaan iyo qarankeena gaar ahaan u danaynaya.Wadaadka hadaladan qorayaa waa qof da’diisu 60 sano kor u dhaaftay, (50) sanadoodna dacwada soo dhex taagnaa, si dhawna u dhuganayay dhaqdhaqaaqyada islaamku waxay qorayaan iyo waxa laga qorayaba, ilaahayna fursad u siiyay in uu (23) sano soo joogo dalka manhajkani ka yimid, arkana sida dadkiisa, culimadiisa, iyo dawladiisu ay ugu dhaqmaan. Waa talo aan isleeyahay waa dhaxal gal oo aan u soo jeedinayo qof kasta oo islaamka jecel oo danaynaya mustaqbalka islaamka (haba la qadhaadhaato eh) .
Allaa mahad leh,
Maxamad Xaaji Maxamuud Xiiray.
Leave a comment