Latest News

Askari Xuutiyiinta Ka Tirsanaa Oo Sheegay Inuu 5 Jeer Hub U Geeyey Alshabaab

Hatufonline,March 7,2025

Axmed Suleemaan Haamli Raziiq oo ka tirsanaa ciidanka badda ee Xuutiyiinta ayaa qirtay inuu 5 jeer taakulayn hub iyo qalab iskugu jirta u qaaday dhinaca Somalia oo uu soo gaadhsiiyey ururka Alshabaab .
Ninkan oo ciidamada amaanka ee dawladda sharciga ah ee Yaman gacanta ku dhigeen ayaa waraysi laga duubay oo ay soo babdhigeen qaar ka mid ah warbaahinta dalalka Carabtu wuxu ku sheegay in Xuutiyiintu ay taakulaynta hubka ah ee ay usoo diraan Alshabaab ka sakow ay tababarna Yaman gudaherda ku siiyaan xubno ka tirsan ururka Alshabaab .
Askarigan Axmad Saleemaan waxa kale uu sheegay in kadib markii ay Xuutiyiintu siiyeen tababar ciidan oo muddo bil iyo 20 maalmood ah iyo tababar gaar ah oo ciidanka badda ah in loo xisaaay oo uu ku biiray shabakad hubka u kala tahriibisa Xuutiyiinta iyo Alshabaab.

Sida uu ku waramay ninkan ciidanka badda ee Xuutiyiinta ka tirsanaa hubka iyo qalabka ay Xuutiyiintu siiyaan Alshabaab waxa loo soo mariyaa xeebaha gobolka Puntland ee Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*