Latest News

Badda Cas Oo Laga Cabsi Qabo In Dagaal Ka Qarxo Iyo Kala Go’a Shidaalkii Loo Dhoofinjiray Yurub

Hargeysa,December 15,2023(Haatufonline) – Weerarada soo kordhaya ee ay Xuutiyiintu ku hayaan gaadiidka mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa laga cabsi qabaa inay sababaan dagaal balaadhan oo ka dhex qarxa mandaqadda iyo shidaalkii Yurub looga dhoofinjiray Khaliijka oo joogsada.
Xuutiyiinta ayaa kadib markii u bilaabmay dagaalka Qaza sheegay inay weeraro ku qaadi doonaan maraakiibta ay leedahay Israel hadii ay soo maraan Badda Cas gaar ahaan marinka cidhiidhiga ah ee Baabal Mandeb taasoo ay sheegeen inay ugu hiilanayaan Falastiniyiinta reer Qaza.Xuutiyiinta oo kaga dhabaynaya hanjabaadooda ayaa 19 November waxay badda ka afduubeen markab uu leeyahay maalqabeen reer Israel ahi iyadoo mudadii intaas ka dambaysayna ay qaar kale ku weerareen isla biyaha Badda Cas .

Hasayeeshee Xuutiyiinta ayaa halkii awal ay ka bartilmaameedsanjireen gaadiidka laga leeyahay Israel,waxay todobaadkan bilaabeen inay gantaalo iyo diyaarado Drone ah ku weeraraan maraakiib kasta oo ku socota dekadaha Israel cidday doontaa ha lahaato e iyadoo maalintii Isniintii ay gantaal ku dhufteen taanker laga leeyahay Norway oo shidaal u siday Israel xili uu marayey Baabal Mandeb.Waxa kale oo ay Arbacadii iyo Khamiistiiba weeraro ku qaadeen taankaro iyo markab konteenaro siday.

Hadaba nabadgelyo darada la soo gudboonaatay gaadiidka mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo Israel galiyey go’doon dhinaca badda ah isla markaana shidaalkii Khaliijka ee loo dhoofin jiray Yurub ka dhigtay mid qarka u saaran inuu joogsado darteed,ayaa waxa ka dhashay werwar weyn oo caalami ah in Israel dulaan kusoo qaaddo Xuutiyiinta Yaman taasoo hadii ay dhacdo keeni karta in Xuutiyiintuna ay dagaalka balaadhiyaan oo ay weeraro gantaalo ah ku qaadaan marinka Hormuz,Xarumaha shidaalka laga soo saaro ee ku yaala Khaliijka iyo saldhigyada Maraykanku ku leeyahay dalalkaasi,Xisbulaahina dhinaciisa dagaalka kasoo galo oo ay dabeeto Iran iyo Maraykankuna isku dhacaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*