Caanood: Sarkaal Guubaabinaya Ciidankiisii Oo Si Dhiiran Oon Hore Loo Maqal Uga Hadlay #Alshabaab
Muqdisho,September 5 2021(Haatufonline)- Janaraal Cabdillahi Cali Caanood ayaa isagoo guubaabinaya cutubyo ka tirsan ciidamada u taliyaha u yahay waxa uu si dhiiran oon hore loogu maqal saraakiisha Somalia uga hadlay ururka Alshabaab kaasoo uu ku tilmaamay mid u adeegaya niman shisheeye ah oo doonaya inay shacabka iyo dalka dulaystaan oo waliba ay been ka sheegaan diintii iyo dhaqankii ay Soomalidu soo haysteen qarniyaasha badan.
Janaraalka oo si qiiraysan ula hadlaya ciidankiisa ayaa wuxu Alshabaab ku sheegay koox daalimiin iyo khaaiiniin ah oo raba xata inay Calankii,Afki iyo Dhaqanki Soomaalida baabiyaan oo ku badalaan kuwo kale oo qalaad isla markaana ay dalka ka dhigaan meel ay kusoo ururaan oo hoy u noqota intii dunida dambi ka gashay oo dhan.
Balse hadalka Janaraalka murtidiisu way dambaysaa oo waxay ku duubantahay video-ga warkan la socda ee hoos lagu soo bandhigay.