Latest News

Cadan Oo Ka Walaacsan Iskaashiga Xuuthiyiinta Iyo Alqaacidada Yaman.

Haatufonline,October 13,2024

Qaar ka mid ah masuulinta dawladda Yaman oo ku sugan Cadan ayaa warbaahinta u sheegay in iskaashi ka dhex abuurmay Xuuthiyiinta iyo faraca Alqaacida ee ka hawlgala koonfurta Yaman. Wasiirka Daakhiliga Ibraahim Xaydaan oo u waramaya warbaahinta caalamka ayaa arintan walaac wayn ka muujiyey iyadoo u sheegay in weeraradii u dambeeyey ee faraca Alqaacida kusoo qaaday ciidamada dawladda lagu arkay astaamo xaqiijinaya in Xuuthiyiintu ay gacan ka siiyeen hirgalintooda.
Kooxda Alqaacida waxay inta badan falal argagixiso ah ka fuliyaan labada gobol ee Abyan iyo Shabwa ee ka tirsan koonfurta Yaman
Waxaseh mudooyinka dambe soo kordhay diyaaradaha Daroonka ah ee aan hore loogu ogayn balse ay hadda adeegsanayaan taasoo warwar wayn ku dhalisay masuuliinta dawladda Cadan.
Hubkan casriga ah ee Alqaacidada Yaman lagu arkay ayaa waxa la aaminsanyahay inay Xuuthiyiintu ku caawiyeen.
Sida la ogsoonyahay dawladda Iran ayaa Xuthiyiinta ku taakulaysa hub casriya oo ay ka midyihiin diyaaradaha Daroonka iyo gantaalaha ridada dheer ee dhulka laga gano iyo kuwa lidka diyaaradahaba ee garabka laga rido.
War ay dawladda Yaman kasoo saartay weerar miidaamo ah oo kooxda Alqaacida la beegsatay saldhig ciidan dawladeed oo ku yaalay gobolka Abyan 16 August 2024 ayaa waxay Xuuthiyiinta ku eedeeyeen inay Alqaacida ka caawiyeen dhinaca farsamooyinkii lagu fuliyey hawlgaalkasi.
Xuuthiyiinta iyo Alqaacidada Yaman ayaa ahaan jiray col daahood go’ay oo mabda’ ahaan aad u kala fog. Hasayeeshe waxa mudooyinkan dambe gabi ahaanba joogsady dagaaladii ay isku qaadi jireen, waxaana muuqata inay haatan isku danaysanayaan taasoo walwal iyo walaac wayn ku haysa saraakiisha amniga ee dalka Yaman iyo kuwa mandaqadaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*