Carwo Ganacsiyeedka Taiwan Oo Somaliland Ka Furmaysa
Hargeysa, November 31, 2021 (Haatufonline) – Carwo Ganacsiyeedka Taiwan ee Somaliland 2021 waxa ay ka furmi doonta Hargeysa gaar ahaan Grand Haadi Hotel inta u dhaxaysa 4 – 5ta Novermber 2021 (Khamiista ilaa Jimcaha).
Carwada waxa ka soo qayb gali doona ganacsato ka socota Taiwan, Somaliland, Ethiopia, Jabuuti, Kenya iyo dalalka kale ee jaarka. Waa fursad abuuri doonta fursad isbarasho oo abuurta dhaqdhaqaaq ganacsi oo ka dhex bilaabma Taiwan iyo dalalka Bariga Afrika oo Somaliland hormood ka tahay.
Noocyada ganacsiyada lagu soo bandhigi doona waxaa ka mid ah: Agro-processing, Bio-medical, Car parts, Green energy, ICT, electronics, oil, minerals, textiles, Ocean Freight and Air Freight Logistics, Coffee export, iwm.