Latest News

Casharka Kenya : Afriki Ma Ka Waantoobi Doontaa Daymanka Sida Sahlan Loo Galayo

Haatufonline,June 28,2024.

Madaxweynaha Kenya Ruto ayaa Arbacadi ka noqday xeer cashuuro cusub oo culus ku waajibinayey dadka reer Kenya ka dib markii ay dalka ka dhaceen mudaaharadyo balaadhan oo lagaga soo horjeedo xeerkaasi oo cashuuro cusub ku soo rogayey maceeshadda aasaasiga sida roodhida,saliidda cuntada,sonkorta,waddo marista gaadiidka oo u dhiganta 2.5% qiimaha baabuurk,xaffaadadaha caruurta iyo waxyaabo kale.
Xukuumadda ayaa ku xisaabtamaysay in cashuuraha ay kordhisay u kasoo xaroodo dakhli siyaado ah oo $2.7 bilyan ah si ay iskaga bixin karto dayman dibadaha lagaga leeyahay gaar ahaan amaaho ay ka qaadatay dalka Shiinaha iyo Baanka Aduunka oo hadii waqtigooda la bixin waayo ay taasi Kenya ka dhigi doonto dal kacay oo lumiyey kasoonidii maaliyadeed ee dunidu kula macaamili jirtay.

Dawladda Kenya ayaa amaaho ku qaadatay lacago badan oo ay ku hirgalinayso mashaariic lagu dhisayo kaabe yaasha dhaqaale ee dalka.
Laakiin dadka mudaaharaadaya oo dhalinyaro u badan ayaa waxay ku doodayeen in qaybo ka mid ah daymankaasi la musuqmaasuqay oo ay lacgtoodu ku dhacday jeebadaha masuuliinta xukuumadda jirta iyo tii ka horaysay ee uu Ruto ka hayey xilka madaxweyne ku xigeenka,waxaanay intaas ku darayaan in mushkilada ugu wayn ee Kenya haysata ee u baahan in wax laga qabtaa tahay musumaasuqa baahsan ee dalkaasi lagaga dhaqmo.

Shaqaaqada Kenya
waxay diiradda dib u saaraysaa sida sahlan ee ay madaxda Afriki dalalkooda u galiyaan dayman culays iyo dhiig-bax ku keena dhaqaalaha maxaliga ah iyo maceeshadda dadwaynaha ku nool.
Suuaashu seh waxay tahay ma lagu cibro qaadan doona oo duruus ma laga baran doonaa wixii ka dhacay Kenya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*