Latest News

Ciidamada DANAB Oo Gudaha U Galay Saldhigyo Al-Shabaab Ku Leeyihiin Tooratoorow, Kana Soo Qabtay 6 Dagaalyahan

Muqdisho, June 6, 2022 (Haatufonline) -Ciidamada Danab, gaar ahaan kuwa ururka 4-aad, ee guutada 16-aad ee kumaandooska, ayaa gudaha u galay saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanada Tooratoorow iyo Caliyo Baaroe oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeef Soomaaliya.
Hawlgal ay ciidamada Danab ka fuliyeen deegaannada Tooratoorow iyo Caliyow Baarow ayaa lagu soo qabtay lix xubnood oo ka titsan kooxda Al-Shabaab, sida ay shaaca ka qaadern saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysay.
Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay burburiyeen goobo ay xoogaga Al-Shabaab lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida ay hadalka u dhigeen.
Xubnaha lasoo qabtay ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadu ay geeyeen deegaanka Balidoogle oo ay ku leeyihiin saldhig, waxaana kadib loo soo gudbin doonaa Muqdisho.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Tooratoorow ayaa ka mid ah meelaha howlgalka laga fuliyey ayaa waxaa sanado badan ka taliya Al-Shabaab, waxaana ugu yaallo saldhigyo waa weyn iyo xarumo maxkamadeed.
Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfura iyo bartamaha Dalka Soomaaliya.

Connect with us on Facebook