Latest News

Ciidamo Xasan Sheikh U Daacad Ah Oo Lafta Gareen Ka Qabsaday Baraawe

Haatufonline September 16,2024

Ciidamo laga soo diray Muqdisho oo u daacad ah madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay maamulka Koonfur Galbeed kala wareegay gacan ku haynta magaalada Baraawe iyo madaarkeeda. Ciidanka magaalada qabsaday ayaa shalay dib u celiyey diyaarad sidday ciidan ka tirsan bilayska Koonfur Galbeed oo tababar loogu soo xidhay Baydhaba iyadoo isla diyaaraddaasi uu saarnaa taliyihii saldhigga Baraawe.

Dhinaca kale madaxweynaha dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdulcasiiz Lafta Gareen ayaa isla shalay galinkii dambe ciidan maamulkiisa hoosyimaadda u diray Baraawe.
Ciidanka Lafta 0Gareen ka amar qaata oo dhulka maray ayaa la sheegay inay maantaba gaadheen Diinsoor caawana ay joogaan meel ka durugsan oo istiraatiiji ah oo lagu magacaabo Kanaanaxa.

Xasan Sheekh iyo Lafta Gareen ayaa baryahanba fiintu kala dhex miranaysax kadib markii ay isku khilaafeen ciidanka Itoobiyaank ah ee ka tirsan Atmis ee ku sugan Somalia iyadoo madaxweynaha Somalia doonayo in lagu badalo ciidamo Masaari ah halka Laft Gareen iyo madaxweynayaasha maamul gobleedyada Somalia intooda badani doonayaan in ay ciidamad Itoobiya dalka sii joogaan.
Dhinaca kale waxa soo ifbaxay qorshe uu Xasan Sheekh wato oo uu doonayo inuu ku badalo Lafta Gareen iyadoo ay
qorshehaasi isla qaateen guddoomiyaha aqalka hoosee baarlamanka Adan Madoobe oo isagu kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*