Latest News

Ciidan Ku Xaraysnaa Hiilwayne Oo Kala Dhaqaaqay Markii Loo Sheegay In L/Caanood Loo Qaadayo

Balcad,May 27,2024(Haatufonline) – Ciidan ku xaraysnaa dugsiga tababarka ee Hiilwayne oo tiradiisa lagu qiyaasay 2500 ayaa xalay kala dareeray ka dib markii loo sheegay in diyaarado lagu gayn doono Laascaanood si ay ula dagaalamaan “Soomaali-diidka”.
Ciidankan ayaa sida ilo xogogaal ahi noo sheegeen ayaa kala boobay oo kaxaystay wixii tekniko iyo gaadiid ahaa ee xerada yaalay iyadoo koox walba abaartay dhinicii uu ka xigay deegaankii beeshoodu.
Waxa kale oo xerada Hiilwayne lagu dhaawacay sarkaal magaciisa la yidhaa Cirro oo dhawaan loo magacaabay ku xigeenka taliyaha Ciidanka Lugta ee Somalia Dayax Cabdi Cabdulle.
Siday dad goobjoog ahii noo sheegeen,sarkaal Cirro oo ahaa taliyihii kaxaysan lahaa ciidanka loo daabulayey Laascaanood ayaa la dhaawacay isagoo isku dayaya inoo joojiyo ciidankii kala dareeray.
Siday ilahaasii noo xaqiijiyeen ciidankani waxa uu ka gadooday markii loo sheegay in Laascaanood loo qaadayo iyadoo markii hore loo sheegay qorshe kaas ka duwan oo ahaa in loo carbinayo la dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale waxa ilaa saaka xerada Hiilwayne ku sugnaa masuuliin sar sare oo uu horkacayey
madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh oo isagu ahaa qofkii bixiyey amarka ciidanka lagu gaynayey Laascaanood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*