Ciidanka Eriteriya Laga Soo Wado Waxa Ku Jira Qaar Alshabaab Ka Tirsan
Muqdisho,April 6,2022(Hastufonline)-Ciidanka tababarka milatari ugu maqnaa dalka Eriteriya ee dufcadiisii u horaysay la filayo in dalka Somalia lagu soo celiyo bishan gudaheeda ayaa siday ilo lagu kalsoonyahay sheegeen waxa ku jira unugyo ka tirsanaa Alshabaab ka hor intii aan loo qaadin Eriteriya mudo haatan laga joogo sadex sanadood.
Madaxweynaha Somalia ee mudadiisu dhamaatay Farmaajo ayaa haatan ku hawlan tabaabushaha sidii 1500 ka mid ah ciidankan loo soo marin lahaa dalka Itoobiya isagoo qorsheeyey in Somalia laga soo galiyo jiida Doolo ee ku taalla xadka u dhaxeeya Somalia iyo Itoobiya isla markaana Itoobiyaanka kula heshiiyey inay gacan ku siiyaan.
Ciidanka Soomaalida ee Eriteriya ku maqnaa ayaa sida waraku sheegeen ka qaybqaatay dagaaladii sanadki hore ka dhacay waqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray halkaas oo la sheegay in ciidamada Soomalidu ay dad rayid ah oo u badan wadaada diinta masiixiga ah ku laayeen.