Culaysyada Soo Waajahaya Xuuthiyiinta Kadib Markii Trump Ku Sifeeyay Urur Shisheeye Oo Argagixiso Ah
Haatufonline,January 25,2025
Kooxda Xuuthiyiinta ee Iran la xulifada ah ayaa waxa soo waajahaya culaysyo dhaqaale iyo diblomaasiyadeed kadib markii uu madaxwaynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump uu Arbacadii soo saaray qaraar Xuuthiyiinta ka dhigaya Urur Shisheeye oo Argagixiso ah .
Trump ayaa qaraarkiisa u cuskaday qodobo odhanaya in Xuuthiyiintu ay halisgalinayaan ciidamada iyo daka rayidka ah ee Maraykanka, dawladaha mandaqadda ee ay Maraykanka isugu dhawyihiin iyo waliba amaanka ganacsiga caalamiga ah ee badda mara.
Calaamadda ‘urur shisheeye oo argagixiso ah’ ee Trump ku sifeeyey Xuuthiyiinta ayaa waxa ku lifaaqan cunaqabatayn balaadhan oo wajiyo kala duwan leh oo Aqalka Cad la beegsan doono kooxdan ,waxaana ugu daran dhaqaalaha oo qorshuhu yahay in dhinacaas laga curyaamiyo iyadoo la abaarayo meelaha ay lacagtu kasoo gasho si looga xidho.
Cunaqabataynta Maraykanku waxa kala oo ay taabanaysa cid kasta oo Xuuthiyiinta caawisa ama la macaamisha sida dawladaha, shirkadaha,baananka,xawaaladaha, ganacsatada iyadoo
inta badan la iska ilaaliyo in la jabiyo ama laga horyimaaddo cunaqabtaynta Maraykanka maa daama u dhaqaalahoodu yahay ka dunida ugu wayn lacagtooda Doolarkuna tahay ta ugu badan ee caalamku wax ku kala iibsado .
Qaraarka Trump ayaa wuxu faraya hayadda Usaid ee Maraykanku mucaawimada u mariyo dalalka soo koraya in aanay wax mashaariic u maalgalinin cidkastoo taageero af iyo adin kay doonto ha noqotee siisaa Xuuthiyiinta . Waxa kale oo istaagaya xidhiidhkii ay hayadaha Qaramada Midoobay la lahaayeen Xuuthiyiinta maa daama Maraykanku yahay deeqbixiyaha ugu wayn ee QM.
Cunaqabataynta iyo go’doominta dhaqaale ka sakow, Aqalka Cad wuxu shaaca ka qaaday inay qaadi doonaan talaabooyin lagu naafaynayo awoodaha hawlgalineed ee Xuuthiyiinta
Kooxda Xuuthiyiinta ayaa tan iyo dabayaaqadii 2023 weeraro la beegsanaysay maraakiibta isticmaasha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed (Berbera) taasoo ay ku tilmaameen ficil ay ugu hiilinayaan Falastiniyiinta Qaza.
Laakiin Xuuthiyiinta ayaan intaas ku eekaanin balse isku qaaday maraakiibtii dagaalka ee Maraykanka ee ku sugnayd Badda Cas si ay maraakiibta xamuulka uga ilaaliyaan Xuuthiyiinta .
Inkastoo Maraykanka iyo Ingiriiskuba ay weeraro badan oo duqayn ah la beegsadeen Xuuthiyiinta, hadana ismay taagin weeraradii ay Maraakiibta ku hayeen taasoo gaadiidkii badda intiisii badnayd ku khasabtay inay weecdaan marinka Badda Cas oo u leexdaan dhinaca waddo kaloo dheer oo kasoo wareegta Koonfur Afrika sii socod iyo soo scodba ,halkii ay awal ka dusi jireen Qooriga Suways(Suez Canal) taasoo qaali garaysay qiimihii rarka iyo caymiska badda .
Trump ayaa muddo xileedkiisii hore sidan oo kale Xuuthiyiinta ku daray liiska ururada shiisheeye ee argagixisada ah , hasayeeshee waxa liiskaasi ka saaray madaxweyne Biden markii u xilka qabtay 2021,taasoo uu Trump hadda ku dhaliilayo Biden isagoo ku tilmaamay inay ahayad talaabo khaldan oo Xuuthiyiintu kaligood ka faaiidaysteen.
Leave a comment