Culimada Somalia Alshabaab Miyey Ka Baqaan Mise Way La Jiraanba
-
- FAALLO
Cali Xandule
Alshabaab waa urur xalaashaday dhiigga Muslimka oo waliba isu haysta inuu ku saxsanyahay oo xaqqa ku taaganyahay waxaanu daliishadaa tafsiir aad u qaldan oo uu ka bixiyo diinta Islaamka ee samaha ku dhisan.Waxase la yaab leh sida ay culimada Somalia uga aamusanyihiin in magacii diinta Islaamka lagu gumaado dad shicib ah oon waxba galabsan .
Miyaanay culimada Soomaaliyeed waajib ku aheyn inay diintooda difaacaan oo soo bandhigaan waxa uu fikirka Alshabaab ku qaldanyahay isla markaana ay dadka u bayaamiyaan sida saxa ah ee diintu ina farayso.Culimadu waxay gabeen kaalintoodii aheyd inay diinta ka ilaaliyaan qof ama koox afduubta oo u adeegsata danaheeda gaarka ah waxaana la kala garanla’yahay oo markasta oo Alshabaab qarax la beegsato Maatida la isweydiiyaa talow culimada ma cabsi ayaa aamusiisay oo Shabaabka ayey ka baqaan mise way la jiraanba.