Dagaal Al-Shabaab Iyo Ciidamada Dawlada Somalia Ku Dhexmaraya Matabaan Oo Ka Tirsan Hiiraan
Matabaan, June 28, 2022 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya deegaanka Qabno ee duuleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya uu halkaasi ka socdo.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen deegaankaasi oo mudooyinkii dambe Shabaab ku sugnayeen, islamarkaana ay u taalay barkoontarool ay lacago canshuuro ah kaga qaadi jireen gaadiidka isticmaala wadadaasi laamiga ah.
Ilaa iyo hadda ma cada khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay dagaalka maadama uu wali uu yahay mid socdo, waxaana dadka ka agdhaw deegaankaasi ay sheegayaan in maqlayaan dhawaqa rasaas culus oo ay qeyb ka tahay madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayaan labada dhinac.
Dagaalkaan ayaa imaanaya xili saakay aroornimadii hore uu qarax miino la kacay gaadhi ay saarnayeen Wariyeyaal iyo askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay sadax qof, waxaana ku dhaawacmay sadax kale.