Dagaalo Dhexmaray Al-Shabaab Iyo Ciidamada Dawlada Somalia

Bulaburde, September 5, 2022 (Haatufonline) -Wararka ka imanaya Somalia ayaa sheegaya in dagaalo ay ku dhexmarayaan gobolka Hiiraan ciidanka dowlada iyo kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Somalia , qaybta 27-aad ayaa maanta ka dhaqaaqay dhanka degmada Buulo-burde waxayna isku fidiyeen deegaanno dhaca duleedka degmadaas, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadu ay hawada ka saareen isgaarsiintii deegaannadaasi, maadaama uu socda howlgal culus & abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.
Khasaaraha dagaalkan ayaan ilaa hadda si dhab ah loo ogay.
Leave a comment