Latest News

Dagaalo Xoogle Oo Ka Dhacay Koonfurta Ceerigaabo.

Ceerigaabo, December 17, 2024 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya inuu maanta dagaal koogano ka dhacay koonfurta.
Dagaalkan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland oo garabsanaya dadka deegaanka Iyo kooxo abaabulan oo ka soo jeeda magaalada Laascaanood.
Waxaana wararku intaasi ku darayaan in dagaalkan oo ka dhacay saddex aag uu ahaa mid xoogan oo khasaare ka dhashay.
Hase yeeshee ciidamada Somaliland ayaa sheeganaya inay dagaalka maanta guulo ka gaadheen, isla markaana ay dhinaca kale kaga gacan sareryeen, sidaa darteedna ay ku soo qabteen Hub, Gaadiid dagaal iyo maxaabiis. Balse ma jiraan ilo madaxbanaan oo cadanaya sheegashada dhinaca Somaliland.
Dagaaladan oo sadexdii maalmood ee u dambeeyey ka socday gudaha magaalada Ceerigaabo ayaa lagu khasbay in Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ka soo jeeday Laascaanood xoog lagaga saaro, balse maanta oo ay isku soo urursadeen duleedka Ceerigaabo ayaa dagaal xoogle ka dhacay, kaas oo ilaa iyo hadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay aan si rasmi ah loo ogayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*