Dalal Ka Tirsan Afrika Iyo Dhibaatooyinka Kasoo Waajahay Amaaho Ay Shiinaha Ka Qaateen
Haatufonline,March 31,2023
Dalka Shiinuhu waxa u noqday quwadda dhaqaale ee labaad ee maanta aduunka ka jirta iyadoo uu Maraykanku yahay ka kowaad. Hadaba si ay dawladda Shiinuhu u xaqiijiso in uu sii socdo xawliga kobaca wax-soo-saarka dalkeeda ee dhinaca warshadaha iyo taknaloojiyada waxay daruuri u arkaan inay uga faaiidaystaan macdanta,saliidda iyo khayraadka kale ee ku duugan dhulka qaaradda Afrika.
Shiinuha oo meel fog wax ka eegaya ayaa waxa uu go’aansaday inuu daymeeyo dalalka Afrika oo u amaahiyo lacago aad u farabadan oo ay ku dhistaan kaabeyaasha dhaqaale sida wadooyin,madaaro,dekado, isgaadhsiin iwl.Waxaana inta badan dhacda in dalal ka tirsan Afrika ay iska bixin kari waayaan daymihii ay Shiinaha ka qaateen.
Shiinaha waxa lagu dhaliilaa in amaahda uu u bixiyo si aan daahfurnayn isla markaanu uu ku xidho shuruudo isaga u dan ah oo laakiin marka dambe caqabad ku noqon karta sidii dalkii amaahda qaatay uu isag bixin lahaa daynkii uu qaatay .
Sanadkii 2003 maalgalinta uu Shiinuhu galiyey Afrika waxay taagneyd $490 milyan oo kaliya.Sanadkii 2018-na waxay gaadhay $46.1 bilyan. Mudadi u dhaxaysay 2000 ilaa 2019 waxa ay dawladda Shiinuhu dalaka Afrika amaahisay lacag gaadhaysa $153 bilyan.
Laakiin waxa laga warqabaa in dalal Afrikaan ah oon tiradoodu yarayn ay haatan mushkiladi ka haysato sidii ay daymihii ay qaateen usoo celin lahaayeen.
Dhibaatooyinka soo waajahay dalalkaasi daymoobay kuma kooba soo celinta amaahdii lagu lahaa ee waxa u dheer mashaariicdii ay amaahda u galeen oo koradh lacageed ku yimid ama sidii ku-talogalku ahaa u wada hirgalin. Tusaale ahaan kharashkii dhismaha tareenka isku xidha Ethiopia iyo Djibouti ayaa intuu kordhay oo hadana kordhay ayaa waxa uu gaadhay heer u dhigma afar dalool oo meel qiimiha misaaniyadii sanadkii 2016 ee dawladda Ethiopia. Kaaga darane kharashkii uu tareenku ku shaqaynayey ayaa waxa uu gaadhay $70 milyan sanadkii halka uu sanadkii 2019 soo hooyey $40 milyan oo kaliya.
Dhinaca kale dalka Nigeria iyo 17 dal oo kale oo Afrikaan ah ayaa amaahihii Shiinuhu ku lahaa kusoo celin kari waayey mudooyinkii loo qabtay.Waxaabay Shiinaha ka dalbadeen inuu hoos u eego daymaha lagu leeyahay iyo qaabka loo bixin doono. Sidoo kale waxa afar jibaarmay qiimaha qandaraaskii lagu heshiiyey in lagu sameeyo tareen isku xidha caasimadda Kenya ee Nairobi iyo dekadda Mombasa.
Waxa la odhan karaa in dhibaatada ka taagan dayn bixinta ay kaalin ku wada leeyihiin dalalka Afrikaanka ah ee wax la amaahiyey iyo dalka Shiinaha ee amaahda bixiyeyba. Dalalka Afrikaanka ah waxa la gudboon in aanay si hawlyar u galin dayn aanay hadhaw iska bixin karin.Shiinaha laftiisana waxa waajib ku ah in heshiisyada daymaha ee uu la galayo dalalka Afrika ay noqdaan qaar daah furan oo la wada ogyahay si meesha looga saaro in wax la isdaba mariyo.
Leave a comment