Latest News

Dalka Badhtamaha Afrika Oo Laga Mamnuucay Shirkad Shiine Ah Oo Dahabka Iyo Dheemanta Qodanjirtay

Bangui,June 16,2024(Haatufonline) – Jamhuuriyadda Badhtamaha Afrika(Central African Republic) ayaa todobaadkii hore dalkeeda ka mamnuucday shirkadda ‘Daqing SARL’ ee laga leeyahay wadanka Shiinaha ka dib markii ay xukuumaddu usoo jeedisay eedaymo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen in shirkaddaasi xidhiidh la samaysay koox hubaysan oo dawladda ku kacsan iyo inay si sharciga baalmarsan gudaha dalka dad usoo galisay isla markaana si xaaraan ah uga faaiidaysato khayraadka dalka oo aanay cashuur bixinin lagana helin wax warbixin ah oo ku saabsan hawlaheeda.
Shirkadda Daqin Sarl ayaa waxay macdan ka qodi jirtay magaalada Mingala oo ku taala koonfurta Jamhuutiyadda Dhexe ee Africa(CAR).
Dalka CAR oo ku qani ah dahabka iyo dheemanta balse ka mid ah wadamada ugu saboolsan dunida ayaa waxa ilaa sanadkii 2013 ka socday dagaal sokeeye iyadoo dhawr kooxood oo hubaysani ay dagaal kula jiraan ciidamada dawladda.
Dad degaanka kasoo jeeda oo tiradooda lagu qiyaasay 23,000 ayaa dhulka ka qota macdanta waxa seh sanadahan dambe kusoo biiray kooxo u badan Shiine iyo Ruush oo adeegsanaya qalab iyo farsamooyin casri ah si ay uga shaqaystaan wax-soo-saarka macdanta gaar ahaan dahabka iyo dheemanta.
Kooxaha hubaysan oo diidan joogitaanka kooxaha ajnabiga ah ayaa weeraro kusoo qaada waxaanay dawladdu u tirinaysa inay ka dambeeyeen 9 shaqaale shiine ah oo lagu dilay sanadki hore iyo 4 kale oo bishii horee sanadkan lagu dilay CAR.
Ruushka macdanta gurta oo tiro ahaan ka yar Shiinaha ayaa waxa iyaga ilaaliya ciidamo calooshood-u -shaqaysteyaal ah oo Ruush ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*