Dano Dhaqaale Ayaa Sal U Ah Xidhiidhka Xuuthiyiinta,Alqaacidada Yaman Iyo Alshabaab
Dalka Iiraan ayaa muddo dheer Xuuthiyiinta Yaman ku taakulaynayey hubka teknaloojiyada casriga ah ku shaqeeya sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn(Drones) iyo gantaalaha ridada dheer(Ballistic Missiles). Hasayeeshee Xuuthiyiinta ayaa waxa aan ka madnayn oo ay leeyihiin himilo fog oo ah inay isku filaanshe ka gaadhaan dhinaca samaynta hubkaa casriga ah ee aanu kor kusoo sheegnay, waana sababta ay mudnaanta kowaad u siiyaan horumarinta sancada diyaaradaha daroonka iyo gantaalaha ridada dheer waayo waxay ogyihiin in haysashada and hanashada hubkaasi ay tixgalin ku heli doonaan isla markaana uu cadowgooda gudaha iyo ka dibadabuba kaga waaban doono.
Sida darteed waxay aad ugu dadaalaan sidii ay marwalba u heli lahaayeen lacag ay ku daboolaan kharashka kaga baxaya mashruucaasi isla markaana aanay u kala go’in lahayn alaabta iyo farsamooyinka laga sameeyo hubkaasi ee kontarabaan ahaan looga keeno dibadaha gaar ahaan dalka Iiraan iyo waliba Shiinaha oo ay qalabka qaarkii kasoo iibsadaan.
Hadaba si ay u abuuraan ilo dhaqaale oo cusub oo ay ku maal galiyaan horumarinta hubkaasi isla markaana qalabka iyo farsamooyinka laga sameeyaana aanay uga kala go’in waxay la heshiiyeen Alqaacidada Yaman ee loo yaaqaanno AQAP oo iyagu ku xeel dheer ganacsiga alaabaha kontarabaanka ee la mariyo badda iyo barigaba.
Xidhiidhkan ayaa Xuuthiyiinta u saamaxay inay AQAP ka bartaan xeeladaha loo adeegsado kontarabaanka, tahriibta iyo lacag maydhista taasoo Xuuthiyiinta u suurto galisay inay gacanta ku dhigaan dhamaan ganacsiga badeecadaha iyo shidaalka kontarabaanka ah ee lasoo galiyo gobolada waqooyiga Yaman ee iyaga hoosyimaadda iyadoo ay AQAP ay hawshaasi dhaafsadeen inay Xuuthiga ka helaan diyaarado daroon iyo gantaalo ay kula dagaalamaan ciidamada ku sugan koonfurta Yaman gaar ahaan kuwa daacadda u ah Golaha Kumeel Gaadhka Ah Ee Koonfurta ee uu hogaamiyo Caydaruus Al-Zubaidi.
Dhinaca kale AQAP ayaa ka shaqaysay inay isku-xidhdho Xuuthiyiinta iyo ururka Alshabaab ee laftarkiisa uu dakhliga badani kasoo galo ganacsiga dahsoon iyo cashuuraha uu ka qaado tujaarta iyo meheradaha .
Xeeladaha ay Xuuthiyiintu adeegsadaan ayaa waxa ka mid ah in hubka iyo qalabka kontarabaanka ah ay soo marsadaan xeebaha Somalia si ay u jiho habaabiyan ciidamada badda ee caalamiga ah kuwaasoo culayska saara maraakiibta iyo doonyaha ka imanaya dhinac Iiraan. Sida darteed danta ay Xuuthiyiintu ka leeyihiin xidhiidhka Alshabaab ayaa ah in Alshabaab gacan ka siiyaan sidii ay xeebaha Puntland ee Somalia ugasoo samato bixin lahaayeen doonyaha u sida alabooyinkooda kontarbaanka ah. Waxa kale oo ay doonayaan inay Alshabaab kala kaashadaan sidii ay u balaahin lahaayeen weerarada ay la beegsadaan maraakiibta oo ay u gaadhsiin lahaayeen Badwaynta Hindiya. Alshabaab hawlaha ay Xuuthiyiinta u qabanayaan waxay kaga helayaan diyaarado daroon ah iyo gantaalo casri ah oo bilaash ah iyo hubka fudud oo qiimo jaban ay Xuutbiyiintu kaga iibiyaan. Alshabaab iyo AQAP waxay Xuuthiyiintu labadoodaba mushqaayad ku siiyaan hawlaha fududaynta lacag maydhaysta. Waxa kale intaas u dheer sheerar laga siiyo faaiidada Xuuthiyiintu ka helaan ganacsiga macdanta laga qodo buuraha Silsiladda Goliska.
Leave a comment