Latest News

Dawlada Ethiopia Oo Ka Digtay Shixnadaha Hubk Ah Ee La Soo Gaadhsiiyey Somalia.

New York, September 24, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa walaac ka muujiyay hubka la geynayo Soomaaliya, isaga oo ka digay inay uga sii dari karaan ammaanka jilicsan ee gobolka.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in hubkani uu gacanta u gali doono kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia ayaa sidaasi ka sheegay kulanka 79aad ee Qaramada Midoobay oo ka dhacay dalka Maraykanka.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warbixino ku saabsan shixnad mucaawino Hub ah oo ciidamada Masar ay usoo daabushay Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira hub culus iyo baabuurta gaashaaman.
Somaliland ayaa iyaduna dhinaceeda walaac xooggan ka muujisay shixnaddan, iyadoo sheegtay inay aad uga walaacsan tahay wareejinta markabkan, maadaama aysan Soomaaliya lahayn awood ay “si wax ku ool ah u maamusho ama u ilaaliso kayd ciidan oo baaxad leh.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*