Latest News

Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Australia, Denmark & Netherlands Oo Cambaareeyey Tigrayga Addis Ababa Lagu Xidhxidhayo

Addis Ababa, December 6, 2021 (Haatufonline) – Dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Australia, Denmark & Netherlands ayaa walaac xoogle ka muujiyey xadhiga qoomiyada Tigrayga ee lagu xidhxidhayo dalka Ethiopia gaar ahaana caasimada Addis Ababa, iyadoo aanay jirin eedo loo haysto.

War-saxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen dalalkani ayaa lagu sheegay in  xaaladii degdega ahayd ee dawlada Ethiopia ay ku dhawaaqday 2-dii November aanay cudur daar u noqon karin xabisida dadka ka soo jeeda qoomiyado gaar ah.

Warbixino ka imanaya komishanka xuquuqal insaanka  Ethiopia iyo Amnesty International ayaa sheegaya inay jiraan xadhig baahsan oo lagula kacay qoomiyada Tigrayga, oo ay ku jiraan Wadaado Orthodox ah, dad waaweyn, hooyooyin iyo caruur, ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay dalalkan reer Galbeedka.

Connect with us on Facebook