Latest News

Dawladda Cusub Ee Somalia Iyo Werwerka Mushahar La’aanta Ciidanka Iyo Shaqaalaha Kusoo Fool Leh

Muqdisho,May 31,2022(Haatufonline)-Dawladda cusub ee Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa werwer iyo walaac weyni ka hayaa lacagla’aan kusoo fool leh oo sababi karta inay weydo mushaharki shaqaalaheeda iyo mushaharki ciidankaba kadib markii uu joogsaday kabki miisaaniyadda ee ay bixin jireen dawladah deeqda bixiya iyo hayadaha caalamiga ah sida Baanka Aduunka taas loo nisbeeyey dib u dhaci doorashada Somalia darteed.

Kabka miisaaniyadda dawladda Somalia ayaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 70 halka baaqiga soo hadha laga daboolo dakhliga kasoo gala cashuurta laga ururiyo gobolka Banadir.Waxa kale oo jiray lacago badan oo ah mucaawinooyin laga helo dalalka Qadar,Turkiga iyo Sucuudiga oon miisaaniyadda lagu darin.
Hadaba dibu dhaci soo noq noqonayey ee doorashadi Somalia ayaa waxa uu aakhirki sababay in deeqbixiyaashu ay joojiyaan lacagti ay ku kabi jireen miisaaniyadda xukuumadda Muqdisho.
Inkastoo la filayo in kabki la soo celiyo kol hadii doorashadi dhamaatay hadana waxa laga cabsi qaba in soo daynta lacagaha kabku ay bilo qaadato.Sidaas darteed khabiirada arimahan oo kale ku takhasuusay ayaa waxay
Maamulka cusub ee Xasan Sh Maxamuud kula taliyeen inay si deg deg ah gooni gooni ula kulmaan dawladihi iyo hayadihi kabka bixin jiray si ay u dadajiyaan sii daynta lacagahi u qoondaysnaa kabka miisaaniyadda Somalia iyadoo laga taxadirayo mushaharla’aan ku dhacda shaqaalaha iyo ciidamada dawladda.
Ma jiro ilaa hadda qorshe ay dawladda Somalia u dajisay inay kaga maaranto kabka ay ilaha shisheeye ka hesho.

Connect with us on Facebook