Latest News

Dawladda Maraykanka Oo Damacsan Inay Somaliland Ka Dalbato Qaabiladda Si Kumeel Gaadh Ah Qaxoonti Reer Afgaanistaan Ah

Abu-Dhabi,August 26,2021(Haatufonline)- Dawladda Maraykanka ayaa ku talo jirta inay dawladda Somaliland ka dalbato inay si kumeel gaadh ahaan ah u qaabisho qaar ka mid ah qaxoontiga ay kasoo daabulayaan dalka Afgaanistaan.Sida laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed,Maraykanka ayaa waxa ku yaraatay tirada wadamada lagu sii hayn karo qaybo ka mid ah kumananka qaxootiga ee ay diyaaradaha kaga soo daad guraynayeen madaarka caasimadda Afgaanistaan ee Kaabul halkaas oo kadib markii ay Daalibaanku wada qabsadeen Afgaanistaan ay kusoo urureen tobanaan kun oo dad ah oo reer Afgaanistaan ah oo u badan dad la shaqayn jiray ciidamada Maraykanka balse ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ahi oo dhamaantood la wada doonayayo in dalkaa laga saaro.

Meelaha qaxoontiga la geeyey waxa ka mid ah saldhigga militari ee Al-Cudayd ee Maraykanku ku leeyahay dalka Qadar halkaas oo dhawr kun oo dad ah la dajiyey hangar weyn oo aan qaboojiyeyaal iyo musquulo toona lahayn kadib markii ay dawladda Qadar diiday in dadkaas Muslimka ah ay magaalada Dooxa meelo ka dajiso.

Qaxoontigan ayaa marka la kala shaandheeyo ka dib la filaya in loo qaado dalka Maraykanka .

P

Connect with us on Facebook