Dawladda Somalia Oo Cudar-Daar Iyo Raaligalin Imaaraatka Ka Siisay Xadgudub Ay Ciidanka Nisa 2018 U Geysteen Dibloomaasiyiin Iyo Mushahar Ay Ciidamada FGS U Sideen Oy Xoog Kagala Wareegeen Diyaaradi Siday
Muqdisho,January 7,2022(Haatufonline)- Raiisalwasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si buuxda dawladda Imaaraatka Carabta uga raaligaliyey xadgudub dhinaca xasaanadda ah oo ay ciidamada sirdoonka Somalia 6dii April 2018 ku sameeyeen diblomaasiyiin reer Imaaraat ah iyo shaqaalihi diyaaradi ay wateen oo si xun ay ula dhaqmeen ciidamada Nisa ee xiligaa ku sugnaa madaarka Muqdisho iyagoo xoog kula wareegay lacag mushahar aheyd oo ay dawladda Imaaraatku siinjirtay ciidamo ay ku tababarto Muqdisho iyo ciidanka badda ee Puntland.
Hadaba Mr Rooble waxa uu maanta cudur daar ka bixiyey dhacdadaasi xumaysay xidhiidhkii labada dal u dhaxeeyey waxaanu daboolka ka qaaday in dawladda Somaalia ay dalka Imaaraatka Carabta u celinayso lacagti xooga lagala wareegay oo lagu qiyaasay ku dhawaad 10 milyan oo doolar taasoo u Rooble sheegay inay ku jirto khasnadda dawladda Somalia.Arintan ayaa waxay kusoo beegantay iyadoo maanta ay dawladda Imaaraatku xukuumadda FGS ku wareejisay shixnado gargaar aadaminimo ah oo loogu talogalay dadka reer Somalia ee abaaruhu ay dhawaan ku habsadeen.
Isu soo dhawaanshaha Inaaraatka iyo Somalia ayaa waxa hortaagnaa madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cadilaahi Farmaajo oo doorashadiisii sanadkii 2017 ay dawladda Qadar lacag farabadan ku kharashgaraysay,lacagtaas oo loosoo mariyey Fahad Yaasiin oo muddo dheer lasoo shaqaynayey Sirdoonka Qadar iyo telefishankii Aljazeera.Farmaajo ayaa siday shuurudihii lagu xidhay taageerada ay Qadar u fidisay dhigayeen ayaa Fahad Yaasiin ka dhigay Agaasimaha Nabadsugida Iyo Sirdoonka Somalia oo leh ciidamo gaar ah oo isaga uun ka amar qaata xata ilaa hadda oo uu Rooble xilkii ka wareejiyey bishii September 2021 .