Dawladda Taiwan Oo Wakiil U Magacowday Somaliland

Hargeysa, July 3, 2020 (Haatuf) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan, ayaa maanta soo magacowday Wakiilkii Dalkaas u fadhi doona Jamhuuriyadda Somaliland.
Danjire Lou Chen-hwa oo hore u ahaa Wakiilkii Xafiiska Ganacsiga iyo Dhaqanka ee Taiwan ku leedahay Sucuudiga, loo magacaabay inuu noqdo Wakiilkooda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, Joanne Ou, ayaa xaqiijiyey magacaabistan,waxaanu intaas ku daray in afar diblomaasi oo Taiwan ka socday oo booqasho ku tagay JSL bishii February ee Sannadkan ay diyaariyeen qorshaha furista Xafiiskaas.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ayaa qoraal ay ku baahisay barteeda Twitterka ku sheegtay inay soo dhaweynayaan Wakiilka Taiwan uga hawlgeli doona Jamhuuriyadda Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa todobaadkii hore sheegtay in Taiwan ay ka wada shaqeyn doonaan xidhiidhkooda dhinaca Ganacsiga, Siyaasadda iyo Arrimaha Dhaqaalaha.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa wadaaga taariikh siyaasadeed, waxana labada dalba ku guulaysteen inay horusocod ka sameeyaan dhinacyada dawladd wanaagga iyo Dimuqraadiyadda.
Leave a comment