DEGDEG: Weerar Qaraxyo Ku Bilaabmay Oo Caawa Ka Dhacay Xeebta Liido.
Muqdisho, June 9, 2023 (Haatufonline) – Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa sheegaya in caawa weerar ku bilaabmay Qaraxyo uu ka dhacay Xeebta Liido.
Ciidamada amniga gaar ahaana kuwa Haramcad ayaa goobta soo gaadahay waxaana socda howlgal lagu Soo afjarayo weerarka lagu soo qaaday hotel ku yaal xeebta liido oo habeenkii lagu caweeyo.
Waxa ka dib ayaa dablay hubaysan ay gudaha u galeen goobtabla yidhaahdo Birlam Beach oo ku taala Xeebta Liido, waxaanay dadkii halkaasi joogay ay ku fureen rasaas.
Ilaa iyo hadda si dhaba looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi, sidoo kale ma jirto cid ka tirsan laama amaanka oo ka hadashay.
Leave a comment