Dekadda Berbera Oo La Gaadhsiinayo 1000 Metre Iyo 2 Milan Oo Konteenar Iyo Madaxweynaha Somaliland Iyo Gudd DP World Oo Ka wadahadlay
Hargeysa,April 7,2021(Haatufonline)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha shirkadda DP World Suldaan Suwaylem ayaa kulan ay maanta ku yeesheen madaxtooyada Somaliland kaga wada hadlay wajiga labaad ee balaadhinta dekadda caalamiga ah ee Berbera iyadoo sida u qorshuhu yahay dherarka dekadda la gaadhsiin doono 1000 mitre oo markiiba ay 10 markab kusoo xidhan karaan.Warsaxaafadeed arimahan ka hadlaya oo ay Madaxtooyada Somaliland soo saartay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:
“Kulankaas oo salka ku hayey dardar-gelinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkada DP World, looguna gogol xaadhayo furitaanka wejiga koowaad ee dhismaha dekeda Berbera oo dhammaaday dhawaana la furidoono, iyadoo lagaga wada hadlay sidii loogu gudbi lahaa wejiga labaad ee dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera.