Dhaqaalaha Buluuga Ahi (économie bleue)Kuma Koobna Kaluunka Ee Waa Nidaam Isbixiya Oo Lagaga Faaiidaysan Karo Badaha
Haatufonline,November 2,2023.
Qarnigan 21-aad ayaa wuxu la curtay hadalhaynta ah in cimiladii aduunku isbadashay oo ay kululaatay ,sababtuna tahay kaarboonka sunta ah ee ka dhasha tamarta laga sameeyo shidaalka saliidda ee dhaqaalaha aduunku ku shaqeeyo. Waxaana furmay doodo iyo kaambeeno u ololaynaya sidii uu aduunku tartiib tartiib uga takhalusi lahaa tamarta shidaalka una gudbi lahaa ‘ dhaqqalaha cagaaran ‘ ( green economy/ économie verte ) oo ku salaysan tamar cagaaran oo nadiif oo laga sameeyo dabaysha,qoraxda, baytariyada ,badda iyo waxyaale kale oo aan dhamaantood lahayn kaarboonka shidaalka ee aduunka kusoo kordhiya kulaylka isla markaana wisikheeya bii’adda (deegaanka/environment). Arintaa dhaqaalaha cagaaran waxna way ka hirgaleen oo maanta waxaynu arkayna baabur ku socota dabka baytariyada ( electric cars/ voiture électrique ) iyo warshado ku shaqeeya tamarta laga nuugo cadceedda laakiin waxa jira wax badan oon wali ka qabsoomin sidii uu caalamku u yeelan lahaa dhaqaale ka nadiif ah tamarta laga sameeyo shidaalka ee sumaysa bii’adda aynu ku noolnahay.
Hadaba waxa isna baryahan dambe aad looga hadlayey ‘dhaqaalaha buluuga ah’ (blue economy / économie bleue) iyo habkii sida qumman looga faaiidaysan lahaa.
Waa maxay dhaqaalaha buluuga ahi ?
Marka laga hadlayo dhaqaalaha buluuga ah waxa dabcan loo jeeda wax-soo-saarka dhaqaale ee laga helo badda iyo wixii la xidhiidha taasina kuma koobna kaluunka oo kaliya balse waxa laga hadlaya nidaam dhan oo ku saabsan dhaqaalaha kala duwan ee kasoo baxa badaha oo kaluunku ka midyahay iyo wixii kalee dhaqaale ah ee badaha la caano maala sida doonyaha iyo maraakiibta, dalxiiska xeebaha, tamar dhalinta ( renewable energy ) beeraha badda ee loo yaqqaan ‘aquaculture’ ( waa xerooyin laga sameeyo badda dhexdeeda oo lagu beero kaluun, dhir,xayaabo iyo makhluuqaad kale ) , macaanaynta biyaha badda ( water desalination ) , xadhkaha keebalada isgaadhsiinta ee badda hoosteeda la dhigo, ciidda iyo macdanta badda gunteeda laga soo guro iyo cilmi baadhis lagu sameeyo waxyaabaha ku uuman badda.
Dhaqaalaha buluuga ah ee caalamka waxa hadda lagu qiyaasaa in ka badan $ 1.3 trillion sanadkii waxaana ka abuurma 30 milyan oo shaqo , waxa seh la saadaalinaya ( OECD ) inuu dhaqaalaha buluuga ahi aad u koobco oo uu gaadho $3 trillion sanadka 2030
Laakiinse fikradda dhaqaalaha buuluga ahi waxay ku qotantahay mabda’ ah in badda looga faaiidaysto hab waara ( sustainable ) taasoo micnaheedu yahay in la dhawro caafimaadka bii’adda ay baddu ku dhisantahay iyo tay ku fadhidaba si aanay waxyeelo laga soo waaqsan karinin usoo gaadhin jiritaankii iyo tarankii khayraadkii laga heli lahaa badda iyo deegaanka ku xeeraanba .
Dhaqaalaha buluuga ahi wuxu badda u adeegsanaya qaab ka duwan sidii hore ee aan tudhaalaha lahayn ee loo manaafacaadsan jiray. Qaabkii hore wuxu xaalufin jiray badaha oo matalan kulumaysigii xad-dhaafka ahaa wuxu keenay in la burburiyo ugxaantii kaluunka iyo bii’adii uu ku noolaan jiray iyadoo meelo badan lagu sheegay in kaluunkii ka dabargo’ay ama uu gabaabsi yahay. Waxa waxyeelo loo geystay shacaabigii badda hoosteeda ee ay noocyo ka mid ah kaluunku ku dhex dhali jireen isla markaana ay shacaabigaasi dalxiisku usoo daawasho imanjireen. Waxa cagta la mariyey dhirtii Mangrove-ka ee xeebaha ka ilaalin jirtay nabaad guurka iyo doogii badda hoosteeda ka bixi jray ee biyaha ka nuugi jiray kaarboonka ( CO2 ) isla markaana dhoobada iyo ciidda ka sifaynjiray biyaha badda. Dabcan lagama sheekayn karo waxyeelada caafimadka badda kasoo gaadhay shidaaladi laga qodi jiray taasoo ay ku waxyeeloobeen makhluuqaad badan oo badaha ku noolaa oo hadda lagaga faaiidaysan lahaa taknaloojiyadda cusub.
Dhaqaalaha buluuga ahi waa mid ku salaysan inuu isbixiyo dhaqaale ahaan,bii’ad ahaan iyo bulsho ahaanba waxaanu dan u yahay dalalka yar yar ee xeebaha ku yaala,waa hadii ay ku camal falaane.
Leave a comment