Dhaqdhaqaaqa Ciidamada Itoobiya Iyo Cutubyada Alshabaab Ee Soo Gaadhay Laaska Iyo Buhoodle
Saaxdheer,August 31,2023(Haatufonline) – Ciidan tiradiisa lagu qiyaasay 120 nin oo hubaysan oo xalay soo gaadhay tuulada Saaxdheer ayaa saaka isku kala shubay Laascaanood iyo Buhoodle. Siday ku warameen qaar ka mid ah dadka deegaanka ku nooli isla markaana ay noo xaqiijiyeen saraakiil Itoobiyaan ahi, ciidankan oo sadex doonyood saaran ayaa Salaasadii doraad kasoo degay dekadda Garacad waxaana halkaas loogu diyaariyey gaadiid iyo dirays ciidan iyadoo ay markiiba usoo ambabaxeen dhinaca dhulka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wararka aanu ka helayno ilo madaxbanaan oo ku sugan Buhoodle ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanku ay jiidda Buhoodle ilaa Wardheer ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku adkaynayaan ammaanka kadib markii la ogaaday in xubno ka tirsan Alshabaab ay kasoo talaabeen Saaxdheer oo ay soo gaadheen Laascaanood iyo Buhoodleba.
Leave a comment