Latest News

Digniin Culus Oo Mahdi Guuleed Uga Timid Gudd Maxkamadda Saree Ciidamada Somalia Oo Ku Saabsan Abaabul Dagaal Somaliland Dhexdeeda Ah.

Muqdisho,August 24,2023(Haatufonline)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Somalia Janaraal Liibaan Cali Yarow ayaa warqad digniin culus xambaarsan u diray raiisal waasaare ku xigeenkii hore Somalia Mahdi Guleed taasoo la xidhiidha kicin iyo abaabul dagaal oo uu ka dhex wado bulshada reer Somaliland .
Maxkamadda ayaa Mahdi (Khadar) Guleed oo haatan ka mid ah xubnaha Baarlamanka Somalia ku wargalisay in talaabo sharciga militariga waafaqsan laga qaadi doono hadii uu ka waantoobi waayo falalka
dagaal hurinta ah iyo waliba kicinta uu adeegsado baraha xidhiidhka bulshada .

Mahdi Guleed ayaa dawladii Farmaajo si foolxun ugu shaqayn jiray iyadoo uu qaabilsana curyaaminta iyo khalkhalinta Somaliland waxaanu ka dhex aasaasay shabakad basaasiin iyo adeegeyaal ah oo u badan xubno ka tirsan warbaahinta maxaliga ah,salaadiin iyo siyaasiyiinba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*