Dilka Taliye Baashane:Alshabaab Ujeedo Kale Ma Leh Aan Aheyn Nolol Xumo Iyo Ammaan darro Ay Xoolo Baad Ah Ku Urursadaan

Muqdisho,May 10,2021(Haatufonline)-Qaraxa is-midaaminta ah ee alay lagu dilay taliyhii saldhiga degmada Waabeeri ee magaalada Muqdishu Axmed Baashane ,mid ka mid ah ku xigeenadiisii iyo 4 qof oo rayid ah oo hormaraayey saldhiga qaraxa lala beegsaday waa fal mar kale tilmaamaya in ujeedada kooxda Alshabaab dhaafsiisnayn abuuritaanka jawi xasilooni darro iyo cabsi iskugu jira si ay u urursadaan xoolaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka iyo ganacsatada.
Alshabaab ma shaqaysan karto hadii aanay ammaan darro iyo silic badin daka ku nool Somalia,waana sababta ay u bartilmaameedsato saldhigyada booliska gaar ahaan taliyeyaasha firfircoon ee xaafadaha ay masuulka ka yihiin laga jecelyahay sida taliyahii ay Alshabaab xalay qaraxa ku dishay ee dhamme Axmed Baashane.