Latest News

Djibouti Oo Cadaysay In Qorshaheeda Aanu Ku Jirin Saldhig Ay Siiso Itoobiya.

Haatufonline,September 1,2024

Dawladda Djibouti ayaa cadaysay in saldhig militari oo ay Itoobya siisaa aanu ku jirin qorshaha ay soo jeedisay in ay Itoobiya siiso dekad gaar ah oo ku taala magaalo xeebeedka Tadjoura oo 100 km u jirta xadka Itoobiya.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Djibouti Maxamuud Cali Yusuf oo u waramay idaacadda VOA ayaa ku tilmaamay ujeedada ka dambaysa dekadda ay siinayso Itoobiya tahay mid ay ku doonayso inay ku xalisho xiisadda ka dhex taagan Itoobiya iyo Somalia ee ka dhalatay heshiis is-afgarad oo dhex maray Itoobiya iyo Somaliland bishii January,heshiiskaas oo dhigaya in Somaliland ay Itoobiya siiso marin badeed 20 km ah oo ay saldhig military ka samaysato isla markaana Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dawlad madax banaan.
Wasiir Maxamuud Yusuf ayaa waraysi hore oo uu siiyey BBC ku sheegay in Itoobiya ay 100% maamuli doonto dekadda Tadjoura ee ay Itoobiya u qoondeeyeen balse wuxu waraysigan cusub ee VOA ku sheegay in laga yaabo in Djibouti iyo Itoobiya ay wada yeeshaan maamulka dekaddaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*