Latest News

Edna Aadan Oo Loo Doortay Madaxweynaha Ururka Caalamiga Ah Ee UNPO

Hague, March 28, 2022 (Haatufonline)  Edna Aadan Ismaaciil ayaa loo doortay in ay noqoto Madaxweynaha urrurka UNPO oo ah urrur caalami ah oo u dooda dalalka aan Matalaada ku lahayn caalamka.

Drs Edna Aadan oo xilal kala duwan ka soo qabatay Somaliland ayaa noqonaysa Madaxweynaha cusub ee ururkan oo xaruntiisu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands. Kaas oo la aasaasay February 11, 1991.

Ujeedada ururkan loo asaasay ayaa ahayd inuu u doodo dalalka iyo bulshooyinka aan matalalaada ku lahayn caalamka, iyo bulshooyinka la hayb-sooco, sidoo kale wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha xuquuqda aadanaha, dimuquraadiyada iyo xuquuqda gooni isutaaga dalalkaasi.
Elisenda Palusie Catalonia, ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka kowaad, Rubina Greenwood Sindh, ayaa sidoo kale urrurku u doortay madaxweyne ku xigeenka labaad.

Connect with us on Facebook