Ethiopia Oo Dhabarka U Jeedisay Somalia Una Codaysay Jabuuti
Addis Ababa, February 5, 2022 (Haatufonline) – Soomaaliya ayaa Khamiistii looga adkaaday tartan ay u gashay inay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika kadib doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta ururka.
Hase yeeshee, codeynta ayaa waxaa kasoo baxday arrin yaab leh kadib markii Ethiopia ay u codeysay Jabuuti. Ma ahan kaliya in Ethiopia ay u codeysay Jabuuti, ee waxay sidoo kale u gashay olole xooggan oo ay dalalka kale taageero uga raadisay.
Waxaa ugu dambeeyey oo ay Soomaaliya kasoo horjeesatay codeyn uu Golaha Xuquuqda Aadanaha QM u qaaday ku anisixiyey abuuritaanka guddi khubaro ah oo caalami ah oo baaritaan ku sameeya tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya, taasi oo Farmaajo uu ku garab istaagay “walaalkiis” Abiy Ahmed.
Haddii Farmaajo uu gaaray in xitaa gargaarkii Soomaaliya uu u diido cabsi uu ka qabo Abiy iyo inuu lumiyo saaxiibtinimadiisa, Abiy kama gaban inuu eego danta dalkiisa uuna taageero Jabuuti.
Balse su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah danta ay Abiy iyo Ethiopia u hayaan Soomaaliya ee Farmaajo mar walba u garab taagan yahay, marka laga reebo inuu doonayey in ciidanka Ethiopia ay ka caawiyaan inuu dalka ku qabsado balse ku fashilmay.
Abiy wuxuu Farmaajo tusay qiimahiisa, Farmaajo ma leeyahay indho kuu arko.
Warbixin: Caasimadaonline