Latest News

Ethiopia Oo Fasaxday Xafiisyada Sarifka Lacagaha Qalaad.

Adis Ababa,August 9,2024( Haatufonline)- Baanka Dhexe ee Itoobiya ayaa shalay fasaxay inay dalka ka hawlgalaan xafiisyo madaxbanaan oo sarifa lacagaha qalaad.
Sida lagu sheegay qoraal uu soo saray Baanka Dhexe waxa Xafiisyadan loo ogolyahay inay furtaan muwaadiniinta ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisaba iyo
waliba dadk ajaanibka ah ee asalahaan kasoo jeeda Itoobiya iyadoo araajida rukhsada lagu codsanayo lagu hagaajin doono Baanka Dhexe.
“Waa talaabo kale oo aanu qaadnay oo aanu si wayn ugu hagaajinayno dhismaha nidaamka maaliyadeed ee lacagaha si uu ula jaanqaadi karo ka caalamka” waxa sidaas yidhi Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Itoobiya Mamo Mihretu mar uu ka hadlayay siyaasadda cusub ee ay dawladda Itoobiya ku furfurayso dhaqaalaha dalkeeda taasoo ay dhirigalin iyo taageero wayn kaga heshay Baanka Aduunka iyo Sanduqa Lacagta ee Aduunka oo labadooduba dhawaan ogolaaday inay Itoobiya u qoondeeyaan lacag iskugu jirta amaaho iyo taakulayn dhaqaale oo kor u dhaafaysa $ 20 bilyan.

Waxay ahayd Arbacadi doraad markii uu Baanka Dhexe ee dawladda Ethiopia uu lacag Doolar ah ku xaraashay 107.9 Bir halkii Doolarba.
Xaraashkan oo ay kasoo qaybgaleen 27 baan oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa lagu dhawaaqay kadib markii uu qiimaha Birku dhulka galay todobaadkii lasoo dhaafay ee uu hoos uga dhacay 75% sicirkii lagu sarifi jiray halka Doolar taasoo ka dhalatay siyaasadda cusub ee dawladd Ethiopia ee ah in suuqu gooyo sicirka uu Birka taaganyahay marka loo eego cumladaha qalaad sida Doolarka.
Lacagta Doolarka ah ee Baanka Dhexe ka xaraashayo baananka ayaa ujeedadeedu tahay in lagu dajiyo qiimaha Birka laguna soo celiyo kalsoonidii lagu qabay.
Guddoomiyaha Baanka Dhexee Ethiopia Mamo Mihretu oo arintan ka hadlaya ayaa sheegay in durtaba uu kordhay xijmiga macaamilka ku salaysan lacagaha qalaad ee baananku bixiyaan waxaanu yidhi “Waxaanu ku faraxsanahay tirada isa soo taraysa ee baananka macaamiishooda ka haqabtiraya lacagaha adag ee ay dibadda wax kaga soo iibsanayaa

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*