Ethiopia Oo Ka Dalbatay Maraykanku Inuu Joojiyo Wararka Laga Baahinayo Dalkaasi
ADDIS ABABA, November 25, 2021 (Haatufonline) – Dawlada Ethiopia ayaa waydiisatay dalka Maraykanka inuu joojiyo faafinta wararka beenta ah ee laga baahinayo dalka Ethiopia, sida uu sheegay Wasiirka Isgaadhsiinta Ethiopia maanta oo Khamiis ah.
Kadib markii Waaxda Arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa maalintii shalay baahisay digniin ku saabsan suurtagalnimada weeraro argagixiso oo ka dhaca Ethiopia.
Dawlada Ethiopia ee Raysal Wasaaraha ka yahay Abiy Ahmed iyo mciidamada maleeshiyaadka Tigrayga ayaa dalkaasi ku dagaalamaya mudo sanad ka badan.
Waxaana ku dhintay kumanaan qof, halka ay malaayiin kalena ka barakaceen dalka labaad ee ugu tirada badan Afrika.
Sidoo kale todobaadka ayaa dawlada Irish ay sheegtay in Ethiopia ay soo eriday lix diblomaasi oo Irish ah.
Dhinaca kale dawlada Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedaynayaa inay taageero milatari ay siisay dawlada Ethiopia sida ay baahisay Aljazeera oo heshay xog dhinaca Sateliteka ah.