Latest News

Ethiopia Oo Si Adag Uga Jawaabtay Eedo Ka Soo Burqanaya Dawladda Taagta Daran Ee Somalia.

Addis Ababa, July 26, 2024 (Haatufonline) – War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia oo ku qoran Af-Soomaali ayaa lagu sheegay in dawladda Ethiopia  ay si dhaw ula socoto hadalada kicinta ah ee ka soo yeedhaya masuuliyiinta dawlada Somalia.

Warsaxaafadeedka ka soo baxa dawlada Ethiopia ayaa u dhigan sidan: “Xafiiska Afhaeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia wuxuu si dhaw ula socdaa weedhaha kicinta ah ee soo noqnoqonaya ee ka soo yeedhaya dawlada Federalka Soomaaliya.

Si ka duwan eedaymaha aan salka lahayn ee dawladda Soomaaliya, sodon sanno iyo dheeraad Ethiopia waxa ay si hagar la’aan ah ugu tafaxaydnayd ka shaqaynta xasiloonda iiyo dawlad dhiska walaalaha ee Soomaaliya oo ay u hurtay naf iyo maal.

Ethiopia waxay hadaba aad uga xuntahay hadalada aan loo meel dayin iyo masuuliyad darada ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare dawlada Federaalka Soomaaliya si ay muhmal u galiyaan doorka toga nee dawladda Ethiopia ku leedahay dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Iyada oo maanka lagu hayo isku tiirsanaanta xooggan ee mandaqada, xidhiidhka dhaqanka iyo mid taariikheed eek u dhidban dhiiga iyo dhididka wadaaga, Ethiopia waxay qadatay in aysan dheg jalaq u siin eedaymaha marin habowsan eek a soo burqanaya madaxda soomaaliya. Ethiopia oo ay u muuqato dawdarrada eedaymaha qaawan eel ala daba socdo, waxay haddana door bidday inay qaaddo hilinka samirka, qalqaalada togan iyo baxnaanada danta guud ee dadkeedana aan marnaba kala maarmayn.

Ethiopia waxay hoosta ka xariiqyasaa walaaca qotoda dheer ee ay ka qabto ka ganacsiga hubka fudud eek u soo qulqulaya geeska afrika. Loolanka colaada eek a aloosan xeebaha iyo sidoo kale xuduudaha aan amnigooda gacanta lagu hayn, waxa lamahuraan ah inay dalalka gobolka isku dubariddaan dadaalkooda ku aadan la dagaalanka dambiyada noocan ah.

Ethiopia waxay jeceshahay inay ku celiso ku kakanaanteeda la dagaalanka argagixisada iyo fidintaanka qoryaha yaryar ee sharci darada ah, hubka fudud iyo walxaha qaraxyada loo hannaanio.

Ethiopia waxay sii wadi doontaa isbarbar taaga walaalaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo hiigsigooda ah helitaanka nabad waarta, xasilooni, horumar dhaqale iyo iskaashiga gobolka.

Xafiiska Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Ethiopia

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*