Fahad Yaasiin Oo La Sheegay Inuu Galabta Xamar Kasoo Galay Dhinaca Itoobiya
Muqdisho,September 18,2021(Haatufonline)-Warar aan wali xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyaha hore ee Nabadsugida Somalia Fahad Yaasiin uu galabta dhumasho kusoo galay magaalada Xamar .
Wararkani waxay intaas ku darayaan in Fahad Yaasiin uu dalka kasoo galay dhinaca Itoobiya balse may kala sheegin inuu soo maray dhinaca dhulka oo uu xadka kasoo talaabay iyo in diyaarad gaar ahi soo dhigtay mid ka mid ah madaarada gobolada Somalia.
Fahad Yaasiin ayaa shalay laga celiyey madaarka Jibuuti isaga iyo rakaab kale oo ay subaxnimadi halkaas wada keentay diyaarad ay leedahay Turkish Airlines waxaanay dhamaantood xalayba ku sugnaayeen dalka Turkiga.
Hadii uu rumoobo warka sheegaya in Fahad Yaasiin uu hadda ku suganyahay magaalad Muqdisho waa hadii markaas ay dawladda Turkigu u qalqaalisay diyaarad gaar ah oo taasina ay degdeg isaga uga soo qaaday magaaladii Istanbuul ee shalay lagu celiyey.