Latest News

Fahad Yaasiin Oo Turkiga Ku Dhumanaya Intay Taagantahay Xiisadda Ka Dhashay Dilkii Ikraan Iyo Jiis Mareexaan Oo Sii Kala Wada Hawlihii NISA

Muqdisho,September 4,2021(Haatufonline)-Madaxa hayadda nabadsugidda iyo basaasnimada Somalia (NISA) Fahad Yaasiin ayaa haatan ku sugan dalka Turkiga halkaas oo uu tagay ka hor intii aanay hayddiisu ku dhawaaqin in ururka Alshabaab afduubay dabadeedna dilay Ikraan Tahliil oo u shaqeyn jirtay Nisa oo laga bilaabo 26 June la la’aa lana waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtay.Fahad Yaasiin ayaa siday ilo xogogaal ahi sheegeen Turkiga kaga gabbanaya xiisadda kulul ee ka dhalatay warka ay hayaddiisu soo bandhigtay ee ku saabsan afduubka iyo dilka Ikraan iyadoo ay ilahaas intaas ku dareen in Fahad ku talo jiro inuu Turkiga joogo inta ay xiisaddaasi dagayso.

Dilka Ikraan Tahliil ayaa dadka intiisa badani u tiranayaan masuuliinta hayada Nisa.Ururka Alshabaab ayaa isagu iska fogeeyey afduubka iyo geerida Ikraan iyadoo urururka argagixisada ah looga baran inay ankiraan fal ay iyagu gaysteen.Ikraan ayaa hayadda Nisa u hayn jirtay hawlo ku tacaluqa kaydiinta xogta lagu ururiyo kombuuterada.

Dhinaca kala waxa hawlihii hayadda Nisa sii wada Cabdilaahi Kulane Jiis Mareexaan oo xilkii uu Nisa ka hayey uu raiisalwasaare Rooble ka qaaday July23,2021 balse uu Fahad Yaasiin kusoo celiyey wax yar ka dib.

Connect with us on Facebook