Farmaajo,Huwant& ONLF Oo Qadar Ka Naawilaya Mashruuc Lagu Curyaaminayo Gas-ka Ethiopia Iyo Amniga Somaliland
Dooxa,December 18,2023( Haatufonline)- Mashruuc lagu curyaaminayo soo saaridda gas-ka Ethiopia isla markaana lagu wiiqayo amniga sadexda dal ee Ehiopia,Somaliland iyo Djibouti ayaa waxa dhiraan dhirintiisa darteed caasimadda Qadar ee Dooxa xiligan ugu sugan Cabdirizaaq Khaliif ex khasnajigii ururkii argagicisada ahaa ee Al-Itixaad watigan xaadirka ahna ka mid ah qabqableyaasha Huwanta Laascaanood iyo ugu yaraan sagaal kamid ah xubnaha golaha dhexe ee jabhadda ONLF iyadoo labada dhinac ay xukuumadda Qadar ka naawilayaan taageero ciidan mid dhaqaale iyo mid warbaahineed oo ay ku dagaal galaan sanadka 2024.
Mashruucan oo ay gadhwadeeno ka yihiin Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo iyagu Dooxa Daggan ayaa waxa uu ku salaysan yahay walaac wayn oo Qadar ka haya gas- ka Ethiopia laga helay ee la filayo in dhawaan laga dhoofiyo dekadda Djibouti iyo waliba natiijadda sahamin lagu sameeyo dhulka iyo badda Somaliland oo lasoo saaray taasoo tilmaamaysa suurtagalnimada in Gas farabadani ku jiro dhulka iyo badda Somaliland.
Qadar iyo Ruushka ayaa kaalinta kowaad iyo ta labaad kaga jira safka dalalka dunida ee gas-ka ugu badan soo saara,hasayeeshee sida la ogsoonyahay dhaqaalaha dalka Qadar ayaa gabi ahaantiisba ku tiirsan Gas-ka laga qodo biyahiisa badda.Sidaas darteed dawladda Qadar ayaa tabo iyo xeelado badan u adeegsata si aan cid kale oo la tartantaa ugu soo biraan suuqa gas-ka ee caalamka.
Dhimaca kale Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa Cabdirizaaq Khaliif u balanqaaday inay ka wasdeeyaan ninka madaxa ka Aljazeera oo magaciisa la yidhaa Sheekh Xamad Bin Thamer Al Thani si Aljazeera looga soo daayo barnaamij ku saabsan maleeshiyada Hawanta.
Waxa xusid mudan in darafyadan Soomaalida ah ee sadexda ah ee ku wada jira iskaashigani ay xidhiidh dhaw la leeyihiin ururka argagixisada ah ee Alshabaab.
Leave a comment