Farmaajoo Qorshaynaya Dagaal Kadib Markii La Sharciyeeyey Xildhibaanadi Ceelwaaq
Muqdisho,May 8,2022(Haatufonline)-Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa qorshaynaya dagaal oo ka rido magaalada Xamar si uu carqaladeeyo doorashada madaxweynaha Somalia ee loo balansanyahay in la qabto 15 bishan.
Ilo xogogaal ah oo noo waramay ayaa qorshahan dagaal ee uu Farmaajo damacsanyahay waxay ku macneeyeen mid uu kaga jawaabayo go’aan maanta kasoo baxay gudoonka golaha Shacabka oo sharciyeynaya xildhibaanadi dhawaan lagu soo doortay Ceelwaaq kuwaasoo uu gudoonku u aqoonsaday inay yihiin xildhibaanada matalaya gobolka Gedo.
Goaankan gudoonka golaha Shacabka ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya xildhibaano sheeganayey in Garbahaaray lagu soo dortay oo iyagu ay xaq u leeyihiin mataaladda gobolka Gedo.
Farmaajo ayaa mudo dheer dagaal ugu jiray in xildhibaanada matalaya Gedo lagu doortay Garbahaaray si ay xubno isaga taageersani ugu soo baxaan maa daama ay ciidamo taabacsan Villa Somalia ay gacanta ku hayeen maamulka Garbahaaray oo ay dibadda ka dhigeen maamulkii Jubaland ee uu gobolka Gedo sharciyan hoos iman lahaa.