Fatwa Laga Soo Saaray Xamar Oo Alshabaab Iyo Daacish U Aqoosatay Khawaarij La Dagaalankoodu Waajibyahay
Muqdisho,October 30,2022(Haatufomline)-Shir u soo qabanqaabiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somalia Sheekh Mukhtaar Roobow oo shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ayaa waxa laga soo saaray Fatwa labada kooxood ee Daacish iyo Alshabaab u aqoonsatay inay yihiin Khawaarij ka horyimid mabaadiida iyo axkaamta diinta islaamka isla markaana uu la dagaalankoodu xaq iyo waajib yahay .Qodobadda ay Fatwadu ka koobantahay ayaa u dhignaa sidan:
1: In lala dagaalamo Alshabaab iyo Daacish.
2: Inay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo Khawaarijta, islamarkaana ay isku mid yihiin, kharash side iyo kharash bixiye.
3: In maanta wixii ka dambeeya kooxaha Shabaab iyo Daacish loogu yeedho Khawaarijta
4: In laga horyimaado wax kaste oo ka hor imaanaya shareecada islaamka iyo dhaqanka suuban, sida isticmaalka daroogada iyo anshax xumada baraha bulshada ee internetka.
5: In la taageero, loona sameeyo qorshe iyo siyaasad qaran oo lagu horumarinayo xarumaha diinta islaamka lagu barto.
6: In la dhiso sanduuqa Sakada iyo hay’adda awqaafta qaranka.
7: In la qabto shirweyne ay kasoo qeyb galaan culimada ku sugan dalka iyo dibadda, si looga tashado, gaar ahaan ka ilaalinta diinta islaamka afkaaraha qalloocan.
8: In muddo kooban lagu dhameystiro habraacyada iyo xeerarka laga maarmaanka u ah dhismaha golaha sare ee culimada Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo noqonaya marjaca diiniga ah.
9: In arrimaha xajka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta dowladda Soomaaliyeed iyo wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedyada.
10: Shirweynuhu wuxuu bogaadinaya kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.
11: Ugu dambayn, shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dammaan shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha kharaarijta diinta, bannaystana dhiiggooda iyo maalkooda.
Leave a comment