Federaalka Somalia Oo Noqotay Dawladdi Ugu Horsysay Ee Koonfurta Yaman U Aqoonsata Dal Madaxbanaan Safaaradna Ka Furata Cadan
Cadan,August 9,2021(Haatufonline)-Somalia ayaa noqotay dawladdi Carbeed ee u horaysay ee Koonfurta Yeman u aqoonsata dal madaxbanaan isla markaana safaaradi ay ku laheyd magaalada Sanca usoo rarta magaalada Cadan ee caasimadda u ah koonfurta Yeman.
Warkan ayaa soo shaacbaxay oo lagu faafiyey warbaahinta Carabta ka dib markii uu Safiirka Somalia u fadhiyi doona Cadan Cabdilaahi Xaashi Shuuriye uu maanta halkaas kula kulmay hogaamiyaha Koonfurta Yeman Caydaruus Al-Zubaydi.Kulankan oo uu Safiirka ku wehelinayay U Qaybsamaha Arimaha Dhaqanka ee Safaaradda Cumar Sherkh ayaa waxay labada dhinac ay kaga wada hadleen sidii lo horumarin lahaa xidhiidhka labada dal ee soo jireenka ah.
Safiirka Somalia waxa kale oo uu safaaradaha dawladaha kale iyo hayadaha caalamiga ahba ugu baaqay inay soo dagaan magaalada Cadan waxaanu sheegay in markii uu kusoo dhexwareegay qaybaha magaaladu ka koobantahay uu yaqiinsaday in nabagelyadeedu aad u fiicantahay.