Gaadiidlayda Badda OO Ka Walaacsan Budhcad-Badeeda Somalia Iyo Xuutiyiinta Isku Xidhmay

Haatufonline,February 27,2025
Shirkadaha maraakiibta ayaa walaac ka muujiyey budhcad badeedii Somalida oo soo rogaal celisay iyadoo laga bilaabo bishi January 2024 ay isa soo tarayeen weerarada ay budhcad-badeeddaasi u gaystaan maraakiibta iyo doonyaha mara biyaha Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badwaynta Hindiya.
Hawlgalada budhcad badeedda Soomaalida ayaa soo cusboonaaday kadib markii bishi November 2023 ay Xuutiyiinta reer Yaman bilaabeen inay weeraro la beegsadaan maraakiibtii isticmaalaysay Badda Cas.
Inkastoo falalka budhcad-badeednimada ah ee hadda dhacay ay aad uga tiro yaryihiin kuwii dhici jiray sanadihii 2009-2012 ,hadana waxa soo kordhay dareen cabsi lehi oo ka dashashay budhcad badeedii Somalia iyo Xuutyiintii oo la sheegay inay isku
xidhmeen iyadoo warbixin lagu daabacay Lloyd’s List ay ka digtay in xidhiidhka isa soo taraya ee sadex geesoodka ah ee dhexmaraya budhcad-badeeda Soomaalida,Xuutiyiinta iyo kooxaha xagjirka ah ee gobolka ku sugani ay khatar wayn galin karaan marinada Badda Cas iyo Badwaynta Hindiya ee ay maraakibtu isticmaalaan markay u kala gooshayaan dalalka Aasiya,Bariga Dhexe iyo Yurub.
Guled Axmed(Wiliq) oo khabiir ku ah dhaqaalaha soo gala argagixisada ayaa sheegay in budhcad badeeda iyo Alshabaab iyagu hore iskugu xidhnaayeen laakiinse halista hadda soo korodhay tahay
farsamooyinka iyo taknaloojiyada cusub ee ay Xuutiyiintu ku xoojinayaan hawlgalada budhcad badeedda.
Tusaale ahaan budhcad badeeda caanka ah ee deggan xeebta Puntland waxay bishii March 2024 markab laga leeyahay dalka Bangladish kasoo qabsadeen 1000 km oo gudaha Badwaynta Hindiya ah oo dhinaca bari kaga beegan Muqdisho.
Markaabkan oo Mozambiiq kasoo qaaday dhuxusha dhulka laga qodo ayaa budhcaddu haleeshay xili uu ku socday dalka Imaaratka waxaanay sii daayeen bishi April kadib markii la siiyey 5 milyan oo $ oo madaxfurasho ah.
Xuutiyiinta iyo budhcad badeedu waxa la sheegay inay isku shaqaystaan gaar ahaan xagga tahriibta hubka iyo daroogada iyo iswaydaarsiga xogaha ku saabsan maraakiibta kusoo beegan goobaha ay labada dhinac ka hawlgalaan.
Budhcad badeeda Somalia waxay dani ugu jirta qaska iyo qalalaasaha ay Xuutiyiintu galiyeen Baddi Casayd waayo ciidamadii badda ee caalamiga ahaa waxay ka jeesteen budhcad badeedii waxaanay ku mashquuleen wax-ka-qabashada weerarada Xuutiyiinta taasoo abuurtay fursado ay budhcad badeedu ka faaiidaystaan .
Leave a comment