Ganacsi Kaluun Iyo Caano Oo Kenya Iyo Uganda Madaxa Isu Galiyey.
Kampala,August 8,2024(Haatufonline) – Kenya ayaa joojisay Caanihi uga iman jiray dalka Uganda kadib markii ay hayadda Kenya u qaabilsan arimaha caanahu ay carqalad galisay rukhsaddi ay siin jirtay shirkadaha Uganda ee caanaha usoo dhoofin jiray Kenya.
Carqaladdan oo hadda dhawr bilood taagnayd ayaa waxay sababtay in shirkadda Brookside ee ah ta ugu wayn ee caanaha Uganda usoo dirta Kenya ay dhinto 50% shaqaalaheedii.
Brookside ayaa ku cabatay inay dhinaca Kenya u gudbiyeen codsiyo isdaba joog ah oo ay ku dalbanayeen rukhsaddi ay caanuhu kusoo gali lahaayeen Kenya balse aanay ilaa hadda wax jawaab ah ka helin hayadda ay khusayso ee ka tirsan dawladda Kenya iyaoo isla todobaadkan suuqa Eastleigh ee Nairobi lagu qabtay kiishash caano boodhe ah oo lagu sameeyey Uganda oo koontarabaan ahaan lagu soo galiyey Kenya.
Dhinaca kale dalka Uganda ayaa xanibay 400 ton oo kaluun ah oo ka kala yimid Kenya iyo South Sudan kuna socday dalka DR Kongo. Kaluunkan oo transit ku ahaa Uganda ayaa baabuurtii sidday lagu horjoogsaday xadka u dhaxeeya Uganda iyo DR Kongo intii aanay ka bixin.
Sidaas oo jirta ayaa haddana labada madaxweyne ee Kenya iyo Uganda kulankoodii bishii May ay ku heshiiyeen in la fududeeyo lana dhiiri galiyo ganacsiga u dhaxeeya labada dal.
Kaaga darane mulkiileyaasha shirkadda Brookside ee caanaha usoo dirta Kenya waxay kasoi jeedaan dalka Kenya laftarkiisa.
Leave a comment