Latest News

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Iftiimiyey Muhiimadda ay Leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland, Kooxaha Argagixisada Ah, Si loo Sugo Xuduudaha Dalka.

Hargeysa, April 6, 2023 (Haatufonline) – Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland.

  1. Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidammada qalabka sida ee heeganka iyo difaaca hadh iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud ee dalka.
  2. Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika.
  3. Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha Dalka.
  4. Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Jamhuuriyadda Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan.
    Ugu danbayn, golaha waxa loo qaybiyey si ay u soo akhriyaan, isla markaana shirarka danbe looga doodo labadan xeer ee kala ah;-
  5. Qabyo-qoraalka xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
  6. Kaabista iyo wax-ka beddelka xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023.
    ALLAA MAHAD LEH

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*