Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerar Kala Duwan

Hargeysa, (Haatuf) – Kalfadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Somaliland ee Maanta oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar ka mid ah xeerarkii hore u jirey.
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib, waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:
Qabyo-qoraalka ka hortagga xeerka la dagaallanka ganacsiga iyo tahriibinta dadka iyo
Wax ka-beddelka iyo kaabista la dagaallanka xeerka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jirey, waxaanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiillada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.
Leave a comment