“Goleyaasha Iyo Xisbiyada Qaranku Waxay Maanta Ku Midaysan Yihiin Difaaca Somaliland” Madaxweyne Muuse Biixi.
Baligubadle, August 27, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta socdaal ku tagay magaalada Baligubadle ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay horyaalaan laba arimood oo waaweyn oo ah difaaca qaranka iyo doorashada, kaas oo tilmaamay in arimahaasi lagaga bixi karo oo kaliya marka aynu taladeena iyo danteena aynu midayno oo meel uga soo wada jeedsanayo.
Madaxweyne Biixi waxa uu sidoo kale bogaadiyey golayaasha qaranka Somaliland iyo Asxaabta siyaasada in ay ku midaysan yihiin in difaaca qaranka loo midoobo, maalmahana ay arimahaasi ka doodayeen.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hadalkan maanta uu ka jeediyey waxa uu noqonayaa maalintii 17aad ee uu ku jiro safaro uu ku marayey gobolada dalka, waxaanu yidhi “Maanta dalkeenu waxa uu marayaa laba marxaladood oo ah Difaaca qaranka iyo doorashada, labaduba way adag yihiin oo way culusyihiin, labadaba waynu ka bixi karaynaa marka aynu taladeena midayno oo danteena meel uga soo wada-jeedsano.
Reer Baligubadle ama Hawdna taa lagu dardaari maayo oo hore ayay hormood ugu ahaayeen, oo dawlad dhiskiisa iyo horumarkiisa ay hormuud ugu ahaayeen. Waxa iga dardaaran ah in Doorashada iyo difaaca dalka aynu u midawno.
Dhinaca kale waxa inoo bushaaro ah, maanta 17 cisho ayay tahay intaanu gobolada dalka maraynay, gobol walba iyo degmo walba iyo koox urursan oo aanu aragnaba way midaysnaayeen, waxaanay u midoobeen labadaa qodob ee maanta ina horyaala, haday tahay bari iyo galbeedba,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta socdaal ku tagay Baligubadle iyo deegaamada hoos yimaada, waxaanu madaxweynuhu intaasi ku daray in maanta Golayaasha Baarlamaanka, Xukuumada iyo Xisbiyada Qaranka Somaliland ay ka midaysan yihiin, isla markaana ay meel uga soo wada jeedaan difaaca dalka.
Madaxweyne Biixi oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa intaa dheer, oo aad loo canaantaa oo canaan dusha laga saaraa golayaasha siyaasada, haday tahay xisbiyada, golaha Wakiilada, Guurtida Iyo Golaha Fulinta ayaa canaan oo dhan la saaraa.
Waxaan idiinku bushaaraynayaa oo maanta farxad inoo ah in saddexda gole ee Golaha Wakiilada, Guurtida iyo Golaha Wasiirada ee fulinta iyo Asxaabtii qaranku ay ku midaysan yihiin in difaaca qaranka oo loo midoobo aad shalay iyo doraad aad dhagaysanayseen labada gole oo ka doodaya in la soo saaro sharcigii la iskaga celin lahaa dawladda taagta daran ee Xamar.
Mar hadaynu ku midaysanahay difaaca qaranka cid walba inaga ayaa ka adag oo horeba waynu uga adkaan jirnay, dhibaato kasta oo jirtana waynu saxanaynaa, ta doorashaduna sidaasay insha Allaahu ay nabadgalyo inoogu dhamaanaysaa, idinkuna taasaad hormuud ka noqonaysaan” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta fagaare kala hadlayey shacabka ku dhaqan gobolka Hawd gaar ahaana magaalada Baligubadle.
Leave a comment