Guddida Ka Hortaga Xanuunka Coronavirus Oo Sheegay Inay Keenayaan Mishiin Lagu Baadho Dadka Looga Shakiyo Xanuunkaasi
Hargeysa, April 7, 2020 (Haatuf) – Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Cudurka Covid_19 ee Somaliland oo Maanta shir jaraa’id qabatay, ayaa bulshada la wadaagtay warbixin cusub oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bulshada reer Somaliland iyo waxyaahaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxaana ugu muhiimsanaa waxyaabiyihii ay ka hadleen qodobbadan soo socda:
- Waxa dhawaan dalka iman doona oo la dalbay mishiinka lagu baadho Virus-ka covid 19 ee loo yaqaanno PCR oo dadkii ka shaqayn lahaana lagu soo tabobaray dalka Kiiniya.
- Ilaa iyo imika waxa dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunkan iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, waxaana la sugayaa inay natiijadu maalmaha soo socda soo baxdo.
- Ilaa iyo haatan ma jirto cid cusub oo lagu arkay xanuunka COVID 19, gudaha Somaliland, marka laga tago labadii qof ee hore loo shaaciyey.
- Waxa dhawaan baxaya 186 hawl-wadeen oo wata 62 gaadhi, kuwaas oo mari doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, isla-markaana wacyigelin doona bulshada, waxaana ay hawl-wadeennadani ka socdaan wasaaradaha horumarinta caafimaadka iyo warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka.”
Leave a comment